U bood dhigaalka

Degmada Dhuusamareeb oo laga bilaabay bixinta Leysinka Darawalnimada iyo warqadaha cadeynta lahaanshiyaha gaadiidka (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

DhuusaDegmada Dhuusa Mareeb ee xarunta gobalka Gal-gaduud ayaa markii ugu horeysay 23-sano ka dib laga bilaabay bixinta Leesinka Darawalnimada iyo warqadaha cadeynta lahaanshiyaha gaadiidka.

Bixinta Leesinka iyo warqadaha lahaanshiyaha gaadiidka waxaa degmadaasi ka suurta geliyay, wasaaradda gaadiidka xukuumada Soomaaliya, iyadoo ay qaateen dawaralo aad u badan.

Qaar ka mid ah darawaladaan oo u waramay Goobjoog Fm, waxay sheegeen in ay aad ugu farxeen inay qaataan Leesinka, iyaga oo sidoo kale ugu baaqay darawalada kale dhamaantood inay qaataan.

Dhanka kale waxaa isla degmadaasi ka socday tababaro ku aadan wadista gaadiidka, iyadoo ardaygii bartaa wadista gaariga horay laga siinayo cadeynta inuu yahay kaxeeye gaadiid oo sax ah.

Halkaan hoose ka dhageyso.

Goobjoog News