U bood dhigaalka

Degmada Jariiban Oo Abaar Laga Sheegayo

Sheeko:Dalka

Degmada Jariiban iyo deegaannada hoos yimaada ee gobolka Mudug ayaa xilligan laga soo sheegayaa abaar daran oo saameyn ku yeelatay bulshada ku dhaqan halkaasi.

Waxaa jira baaqyo is daba yaal oo dadka deegaanka ay u dirayaan maamulka Puntland iyo hay’adaha ka shaqeeya arrimaha sama falka.

Yaasiin Xaashi Warsame oo ka mid ah dadka deegaanka Jariiban ayaa Goobjoog News uga warramay xaaladda ay ku suganyihiin dadka waxaa uuna yiri.

“Gobolka Mudug weli waxaa saameyneyso abaartii, awal deegaannada hay’ado ayaa soo geli jiray hadda balse hay’adihii masoo galaan dadkana xoolo maheystaan, dalka maamul iyo dowlad ayaa ka jirta ma jiro xataa hal wasiir oo nooyimaada waxaa larabay in dadka ay losocdaan xaaladahooda oo ay indho indheeyaan”.

Gobolka Mudug ayaa ka mid ah meelaha ay weli ka jirto abaarta, taasi oo saameysay dadka iyo duunyada ku dhaqan halkaas.

Goobjoog News