U bood dhigaalka

Degmada Waaberi Oo Sanadkii Labaad Ku Guuleystay Koobka Kubadda Cagta Ee Gobolka Banaadir

Sheeko:Dalka

Waaberi ayaa xalay sanadkii Labaad oo xiriir ah loo Caleemo saaray Koobka Degmooyinka Gobolka Banaadir kaddib markii ay gool madi ah uga badisay Shibis.

Qeybta hore ee ciyaarta ayeey la timid goolkii qura ay Waaberi ku qaadday Koobka.

Waaberi oo Finalka ka dhigatay hoygeeda ayaa xalay markii Labaad oo xiriir ah qaadday tartanka degmooyinka gobalka Banaadir.

Taageerayaal tiro badan ayaa u gurbaan tumayey Waaberi oo isla koobkan sanadkii hore xilli habeen ah ka qaadday Hodan xalayna Shibis ayey ku yiraahdeen Shib dhaha.

Madaxwaynaha dalka, Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa Waaberi guddoonsiiyey koobka degmooyinka.

Xigasho: GOOL FM