U bood dhigaalka

Degmada Wadajir Oo Talis Cusub Loo Magacaabay

Sheeko:Amniga

Taliyaha booliska Soomaaliya Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa xilkii ka qaaday taliyihii degmada wadajir ee gobalka Banaadir, isaga oo degmadaasi u magacaabay taliye cusub.

Taliye Xijaar ayaa Saciid Cali Maxamuud u magacaabay in uu noqdo taliyaha cusub ee degmada Wadajir waxaana xilkaasi laga xayuubiyay Cabdibaasid Maxamuud Cagey.

Siciid Cali Maxamuud ayaa loogu baaqay in uu si daacada u guto shaqada loo igmaday, waxaana Taliyaha booliska uu ka codsaday maamulka degmada in ay si wanaagsan ula shaqeeyaan taliyaha cusub.

Magacaabistan ayaa ku soo aadeysa xilli hey’adaha amaanka magaalada ay si aad ah u xaqiijinayaan amaanka guud ee caasimadda.

Goobjoog News