U bood dhigaalka

Degmada X/weyne Oo Yeelatay Maxkamad

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale iyo guddoomiyaha maxkamadda racfaanka gobolka Banaadir Sheekh Saalax Sheekh Ibraahim ayaa maanta si rasmi ah waxay xariga uga jareen maxkamadda degmada X/weyne.

Maxkamadda oo noqoneysa middii ugu horreysay oo ay degmadaasi yeelato burbukii dalka kadib ayaa lagu qaadi doonaa dacwadaha.

Sheekh Saalax Sheekh Ibraahim, guddoomiyaha maxkamadda racfaanka gobolka Banaadir oo halkaasi hadal ka jeediyey waxa uu sheegay in horgelinta maxkamadda ay muhiim tahay, isaga oo ugu baaqay maamulka gobolka Banaadir in sidan oo kale degmooyinka Muqdisho looga hirgeliyo maxkamado.

Sidoo kale waxa uu guddoomiyaha ku baaqay in la hirgeliyo dhismayaal ay ku shaqeeyaan maxkamadaha degmooyinka, loona madaxbaneeyo howlahooda shaqo.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale oo isna hadal halkaasi ka jeediyey ayaa sheegay in maxkamaddan laga hirgeliyey degmada X/weyne ay tahay mid aad u muhiim ah, islamarkaana ah tallaabo horey loo qaaday.

Waxa uu ka dalbaday guddoomiye Jimcaale Garsoorayaasha ka howlgeli doona maxkamaddan iney u caadal falaan dadka ay u kala dacwad qaadayaan.

Goobjoog News