U bood dhigaalka

Degmado Ka Tirsan Galmudug oo Maamul Cusub Loo Magacaabay

Sheeko:Amniga

Wasaaradda arrimaha gdaha federalka iyo dib u heshiisiinta maamul goboleedka Galmudug ayaa maamul cuasub u magacowday degmada Ceelgaras ee gobolka Galgaduud, kadib wareegto kasoo baxday wasiir Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi-Waayeel)  ayaa guddoomiyaha degmada Ceelgaras ee gobolka Galgaduud  inuu noqdo Cali Aadan Xaashi.

Wareegtada kasoo baxday ayaa sidoo kale lagu sheegay in guddoomiye ku-xigeenka degmada uu noqdo  Cali Maxamed Carraale, waxaana xoghayaha degmada loo magacaabay Cabdifitaax Cali Cabdulle, wasaaradda ayaa sheegtay in baahida dedajinta dowladnimada ay keentay in maamul loo magacaabo degmada Ceelgaras.