U bood dhigaalka

Dejiya Xaaladda, Midowga Afrika iyo IGAD oo Ku Iney Xiriirka soo Celiyaan Ugu Baaqay Soomaaliya iyo Kenya

Sheeko:Amniga

Midowga Afrika iyo urur goboleedka IGAD ayaa waxaa uu soo jeediyey iney wada hadlaan Soomaaliya iyo Kenya si loo dhameeyo khilaafka jira, loona dejiyo xaaladda.

Madaxda Midowga Afrika iyo IGAD ayaa ugu baaqay Soomaaliya iyo Kenya in la dhameeyo khilaafka jira, lana ixtiraamo madaxbannanida dalalka.

“Xiisaddii dhoweyn ee u dhaxeysay Soomaaliya iyo Kenya, oo ah labo dal oo daris ah, taas oo keentay in xiriirka kala goostaan, waa mid qalqal culus u ah midowga Afrika” waxaa sidaasi shirka 38-aad ee aan caadiga aheyn ee IGAD ka dhahay madaxa AU Moussa Faki.

Moussa  oo sii hadlaya ayaa intaasi ku daray“Sidaasi darted, waxaa ugu yeerayaa labada dhinac iney wada hadlaan, waxaanna IGAD ugu baaqayaa iney dhiirigeliyaan arrinkan”.

Dhanka kale, Cabdalla Hamduuk oo ah madaxa IGAD ahna ra’isul wasaaraha Suudaan ayaa ku baaqay dalalka xubnaha ka ah IGAD iney ilaaliyaan madaxbannaanida iyo bedqabka dhul ee dalalka xubnaha ah isla markaana aaney is faragelin, waxaa uu Farmaajo iyo Kenyata ugu baaqay iney wada hadlaan.

Goobjoog News