U bood dhigaalka

Dekedda Magaalada Hobyo oo Ay Ku soo Xirtaan Doomo Sida Shixnado Ganacsi

Sheeko:Dalka

Maamulka magaalada Hobyo ayaa sheegay in  doomo ganacsi  todobaadyadii dambe ay si is daba joog ah ugu  soo xiranayeen dekadda magaaladaasi.

Guddoomiyaha magaaladaasi Cabdullaahi Axmed Cali oo wareysi siiyay Goobjoog ayaa waxa uu sheegay in doomo ku soo xirtay magaalada ay keeneen shixnado ganacsi oo isugu jira badeecooyinka raashinka iyo gawaari.

Waxa uu sheegay in hadda doomo kale ay jidka ku soo jiraan oo maalmaha soo aaddan la filayo iney ku soo xirtaan dekadda magaalada Hobyo.

Doomahaasi waxaa ka mid ah dooni u raran ganacsato reer Galmudug ah oo Labo habeen ka hor ka soo shireecatay magaalada Abu-Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta.

“Doomo ganacsato ah oo ka imanaya Dubai iyo qaar aan ku sugayno ayaa jira Liibiya oo sida ganacsata qaar ay ii sheegeen bariis iyo badeeco la mid ah ka soo sida Liibiya, kuwan kale ee ka imanaya dhanka Dubai baabuur iyo alaab iyo cunno kala duwan iney wadaan ayaa warbixin la igu siiyay, waxaad mooddaa iney iska soo daba dhici doonaan”, ayuu yiri Cabdullaahi Axmed guddoomiyaha Hobyo.

Guddoomiyaha ayaa noo sheegay in wax canshuur ah aaney ka qaadin shixnadaha ganacsi ee dekadda kusoo xirta, iyagoo taa uga gol lehn dhiirigelinta ganacsiga.

Dhaqdhaqaaqan gacansi oo hadda ka soo cusboonaaday dekedda Hobyo ayaa ah mid dhiirigelin u ah ganacsatada iyo dadka shacabka ah oo dhankooda helaya badeeco looga iibiyo qiimo ka jaban tii markii hore ay wax ku iibsan jireen.

Goobjoog News