U bood dhigaalka

Deni ” Dowladdaan waxa ay aad u isticmaasha dadka Soomaaliyeed meesha ay ka liitaan oo Qabiilka ah

Sheeko:Amniga

Madaxweeynaha Dowlad Gobaleedka Puntland ayaa xalay khudbad dhinacya badan taabaneysa waxa uu u jeediyay shacabka dowlad gobaleedka Puntland, taas oo uu kaga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka .

Saciid Cabdullahi Deni ayaa soo hadal qaaday mar xaladaha wada hadalada arimaha doorashooyinka dalka , oo khilaaf uu ka taagan yahay .

Madaxweyne Deni “26 January 2019 oo ahayd xafladdii caleemasaarka, waxaan goostay maadaama aan kusoo biiray masrixii siyaasadda aanna u jeedey cakirnaanta jirta inaan la imaado weji ah Soomaalidu inay mar labaad dib u wada hadasho oo wixii ka khaldamay ay saxdo oo ay waddo saxiixa marto, waxaan halkan isugu yeernay dhammaan Masuuliyiintii dalka iyo Cidwalba oo aan is dhihi karno dalkan waxgarad bay u tahay, anagoo curdin ah oo aan diyaargaraw fiican lahayn ayaan dhabarka u ridanay in shirka baaxaddaas leh, Runtii fursaddaas waxaan uga faa’iidaynay inaan gogol u dhigno oo aan isku dayno, inaan waxyaabihii jirey xal u raadino”.
Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sidoo kale sheegay in shirarkii Dhuusamareeb ay ku yeesheen madaxda dowladda Federaal iyo dowlad gobaleedyada in ay farmaajo uga tanaasuleen arima badan oo taagna.
Deni ayaa ku eedeyay Farmaajo iyo xukuumadiisa in ay mar walba doonayaan in ay xoq xoqaan Qabyaaladda .
” Waxaa marar badan maqashaan Puntland aa waxeey diiday in Garowe la yimaado wuxuu codsaday Axmed Madoobe in uu halkaan yimaado(Garowe), dowladdaan waxa ay aad u isticmaasha dadka Soomaaliyeed meesha ay ka liitaan oo Qabiilka ah oo runtii in ay xoq xoqdo ay aad u jeceshahay taas oo aan dada dan ugu jirin , Qof mas’uul ah oo marxaladaan jooga in uu qabyaalad u gurbaan tumo isagoo og 30-kii sano ee la soo dhaafay wixi dhacay”.