U bood dhigaalka

Deni: Hanaanka loo qaybinayo Awoodaha DF iyo DG waxa uu u muuqda mid kasoo horjeeda Dastuurka Puntland

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha dowlad gobaleedka Puntland Saciid Cabdullahi Deni, ayaa markii ugu horaysay ka hadlay qodoba uu maamulkiisa diiday intii lagu gudajiray shirka wadatashiga qaran ee dowladda Faderaalka iyo dowlad gobaleedyada dalka.

Puntland ayaa ku gacan seertay golaha ansixinta qodobada kala ah hanaanka uu noqonayo garsoorka dalka iyo hanaanka awood qaybsiga faderaalka.

“Labada qodob ee aan diidnay waxaa weeye 1-Habka Garsoorkeenna uu noqonayo oo ah garsoor madax bannaan sida aan rabno ku qotoma dastuurka iyo shuruucda aan leenahay waxaa meesha la keenay wax taa ka duwan oo aan suuragal ahayn in ay Puntland aqbasho koley intii garashadeydu markaas ahayd” ayuu yiri madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in qodobka kale asne ay ku diideen in uu meesha ka saarayo hanaanka Faderaalka sida uu Deni sheegay.

“Qodobka kale waxa uu ahaa habka maamulka Dowladeed ee heer federal & State (Dowlad-Goboleed) loo qaybinayo oo isaga oo dhan u muuqday mid kasoo horjeeda Dastuurka Puntland, Kan Federaalka ee hadda aan heysano iy Doonista iyo caqliga federaaleenta Dalka uu diyaarka u ahaa, waxaa meesha kasoo baxday qorshe u eg in markale dib loogu celinayo Central (Dowlad-Dhexe),” ayuu markale yiri Saciid Deni.

Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa sheegay in ay mawqifkooda ay dib ka soo shaacinayaan kaga aaddan qodobadaan ay diideen in ay ansixiyaan.

Goobjoog News