U bood dhigaalka

Deni oo Boosaaso kula kulmay madaxda DP-WORLD

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowlad gobaleedka Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa magaalada Boosaaso ku soo  dhaweeyay wafdi uu hooggaamiyo agaasimaha shirkadda DP-world ee bariga dhexe.

Deni ayaa  wefdiga uu hogaaminayo CEO-ga iyo Agaasimaha Maamulka DP-WORLD ee Bariga Dhexe iyo Africa Suhail Al-Banna, kala hadlah mashaariicda dekedda Boosaaso.

Ujeeddada kulanka ayaa ahayd dhaqaajinta balaarinta shaqo ee Dekedda magaalada Boosaaso. Waxaa qayb ka ahaa kulanka Wasaaradda Dekadaha iyo masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda.