U bood dhigaalka

Deni oo Garoowe Soo Dhoweyn Loogu Sameeyay

Sheeko:Amniga
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka  Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Wafdi uu hoggaaminayo, ayaa siweyn loogu soo dhoweeyay maanta magaalada Garoowe ee caasimadda maamulkaas, Deni ayaa safarkii kaga soo kicitimay magaalada Nairobi uu ku sugnaa, kadib doorashadii madaxweynaha Jamhuuriyadda uu u tartamay.
Soo dhoweynta Madaxweynaha waxaa ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad Goboleedka  Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoonka Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Xildhibaano, Wasiiro, Saraakiisha Ciidamada, Maamulka Gobolka Nugaal, Kan Degmada Garoowe iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Garoowe.
Madaxweynaha ayaa ka hadlay guud ahaan xaaladda dalka gaar ahaan Doodashadii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya mudane Xasan Shiikh Maxamuud oo 15-kii Muqdisho  lagu doortay, isagoo sheegay in Puntland ay ku faraxsantahay Doorashada iyo siday u dhacday nabadna ugusoo dhammaatay.
Deni ayaa  Bulshada reer Puntland u sheegay  in markasta oo Doorasho ka dhacdo dadku is qoonsado, Balse reer Puntland Sidii lagu yaqaanay waa inay hore uga socdaan, laysna cafiyaa oo aan dib la eegin wixii lasoo maray ayuu sheegay, Deni ayaa aad ugu dhowaa madaxweynaha la doortay ee Xasan Shiikh Maxamuud.
Goobjoog News