U bood dhigaalka

Deni oo Iska Diiwaan geliyay Doorashooyinka Golaha Deeganka Puntland

Sheeko:Amniga

Guddoomiyaha urur siyaasadeedka KAAH ahna Madaxweynaha dowlad gobaleedka Puntland ayaa maanta ka qeyb galay olalaha diiwaan gelinta doorashooyinka golaha deegaanka Qardho .

Saciid Cabdullahi Deni ayaa ka codeynaya deegaanka Qardho ayaa iska diiwaan geliyay xaafadda Kaambo ee degmada Qardho .

Madaxweynaha ayaa u mahadceliyay Guddiga Doorashada iyo guud ahaan Howlwadeenada diiwaangelinta, Ciidamada amniga sugaya iyo saxaafada. Wuxuuna ku dhiirigeliyay qeybaha kala duwan ee bulshada in laga wada qeybqaato hirgelinta qorshaha Dowladda ee ah in awooda shacabka loo dhoweeyo oo shacabku ay madaxdooda doortaan.
Puntland ayaa sanadkaan qabaneysa markii ugu horeysay doorashooyinka golaha deegaanka ee maamulka puntland oo qof iyo cod ah .
Goobjoog News