U bood dhigaalka

Deni oo kulan la qaatay guddiga doorashooyinka Puntland

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha dowlad gobaleedka Puntland Saciid Cabdullahi Deni, ayaa kulan dardargelin ah la qaatay guddiga doorashooyinka Puntland.

Kulanka ayaa waxaa madaxweynaha uu warbixin kaga dhageystay guddiga dardargelinta doorashooyinka Puntland, kuwaas oo dhawaan la magacaabay.

Shirka ayaa intii uu socday looga hadlay howlaha hortabinta u leh doorashooyinka Puntland, kuwaas oo la filayo in la qabto biloowyinka soo socda.

“Kulanka ayaa looga hadlay waxyaabaha hortebinta u leh dardargelinta Doorashooyinka Iyadoo warbixin laga dhegaystay xubnaha Golaha Wasiirada ee kala duwan ee ka tirsan Guddiga, sidoo kale Kulanka waxaa lagu qaabeeyay qorsheyaasha shaqo ee lagu dadargelinayo Doorashooyinka,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay madaxtooyada Puntland.
Sikastaba qaar kamid ah axsaabta maamulka Puntland iyo qaar kamid ah siyaasiyiinta ayaa walaac ka muujiyay hanaanka madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni, uu u maareynayo doorashada madaxtinimada Puntland.
Goobjoog News