U bood dhigaalka

Deni Oo Muqdisho Ku Soo Wajahan

Sheeko:Amniga

Madaxweeynaha Dowlad gobaleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa la filayaa in uu maanta soo gaaro magaalada Muqdisho.

Sida ay GoobJoog News u xaqiijiyeen mas’uuliyiinka tirsan maamulka Puntland saacadaha soo socda ee maanta ayaa la filaya Madaxweynaha Puntland in uu u soo duulo caasimadda dalka ee Muqdisho.

Saciid Cabdullaahi Deni ayaa magaalada Muqdishi kaga qeyb galayo shirka wada tashiga Arrimaha doorashooyinka dalka oo Muqdisho ka furmayo maalmaha soo socda.