U bood dhigaalka

Deni Oo Muqdisho Soo Gaaray

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Deni ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka.

Saciid Cabdullahi Deni ayaa lagu wadaa in Muqdisho uu kaga qeyb galo shirka wadashiga arrimaha doorashooyinka oo uu ku baaqay ra’iisul wasaaraha .

Shirkan ayaa waxaa lagu dhameystirayaa heshiiskii doorosho ay muqdisho 27-kii May ku gaareen madaxda dowladda fedetaalka iyo kuwa dowlad gobaleedyada dalka.