U bood dhigaalka

Deni Oo Safar Dhulka Ah Ku Tagay Dhuusamareeb

Sheeko:Amniga

Madaxweeynaha dowlad gobaleedka Puntland Saciid Cabdullahi Deni, iyo wafdi u hogaaminayo ayaa safar dhulka ah ku tagay magaalada Dhuusa mareeb .

Deni ayaa waxaa duleedka Dhuusamareeb ku soo dhaweeyay madaxweeynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug.

Madaxweeynaha Puntland ayaa waxa uu dhuusamareeb kaga qeeyb galaya shirka wada tashiga dowlad gobaleedyada dalka iyo dowladda federaalka oo beri ka furmaya magaaladaas.

Saciid Cabdullahi Deni ayaa la sheegay in uu garoonka diyaaradaha dhuusamareeb uu kaga soo tagi wayay sabab amni, taas oo keentay in uu madaxweeynaha safar dhulka ah ku yimaado .

Dhuusamareeb ayaa waxaa ku sugan dhamaan madaxda ka qeeyb galeysa shirka wada tashiga arimaha doorashooyinka.

Shirkan oo la filayay maanta in uu ka furmo magaalada ayaa dib ugu dhacay maalinta berri ah , halkaas oo ay isku soo hor fadhiisan doonan madaxda dowlad gobaleedyada dalka iyo Farmaajo iyo Rooble .