U bood dhigaalka

Deni “Weerarkii Xabsiga Weyn Masuuliyadiisa Waa La Iskula Xisaabtamaya”

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullahi Denni oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Boosaaso ayaa ka hadlay weerarkii ka dhacay xabsiga dhexe ee Boosaaso .

Madaxweynaha ayaa sheegay in Al-shabaab ay weerar ku soo qaadeen xabsiga dhexe ee Boosaaso halkasna ay is rasaaseyn ay ku dhexmartay ciidmada Puntland iyo kooxihii weerarka soo qaaday.

Saciid Deni ayaa xusay in weeraka uu geystay khasaaro ayna kooxdii weerarka soo qaaday ku guuleysteen in qaar ka mid maxaabiista ay fakiyeen mar uu arintaasi ka hadlay waxa uu yiri “Dabcan khasaare wuu dhacay Maxaabiista qeyb ka mid ah waa ay ku guuleysteen inay fakiyaan”

Deni oo sii hadlayay ayaa sheegay in qaar ka mida kooxdii weerarka soo qaaday  la dilay  halka kuwa kalana la qabtay “ falkii dhacay waa laga daba tagay in badan waa laga soo qabtay qaar kale oo bandanna halkaas ku dhinteen”.

“Weerarkii Xabsiga Weyn Masuuliyadiisa Waa La Iskula Xisaabtamaya, Ciidanka Ka Jawaabay Oo Guusha Kasoo Hooyayna Waa Lagu Abaalmarinaya” Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.

Saciid Deni ayaa sheegay in ay soo bandhigi doonaan khasaarihii ka dhashay weerarkii lagu qaaday xabsiga dhexe ee Magaalada boosaaso todobaakii la soo dhaafay.