U bood dhigaalka

Denmark oo 60 malyuun doolar ugu yaboohday Soomaaliya maalmo ka hor shirka Copenhagen

Sheeko:Dalka

Mogens JensenWasiirka arrimaha ganacsiga iyo cunada ee dalka Denmark ayaa sheegey in dowladiisa ay Soomaaliya ugu yaboohdey illaa 60 malyuun doolar taasi oo wax looga qabanayo cuno yaraanta iyo abaaraha Soomaaliya ka jira.

Sida uu qorey wargeyska Folketidende ee kasoo baxa Norway, wasiirka Morgans Jensen ayaa sheegey in wadarta gargaarka Denmark ay siisey Soomaaliya lacag dhan 113 malyuun oo doolar sanadkani 2014-ka oo kaliya.

Wasiirka waxa uu sheegey in lacagtani wax looga qabanayo nafaqo darada carruurta iyo dadka kale ee macaluusha ay heysto iyo hawlaha biyo dhaaminta.

$35 malyuun oo ka mid ah lacagtani waxa ay aadaysaa hey’adda OCHA ee Qaramada Midoobey, halka inta soo hartay ay aadayso dhanka hey’adda WFP .

Laakiin ka hor inta aanan lacagta la bixinin waa in uu ansixiyaa gudiga maaliyadda baarlamaanka dalka Denmarka.

Yaboohani lacageed ayaa imanaya maalmo yar uun ka hor shirka Copenhagen ee Soomaaliya lacaga loogu yaboohayo.

Goobjoog News