U bood dhigaalka

DF iyo maamulka Jubbaland oo ka hadlay dab ka kacay suuqa wayn ee Kismaayo

Sheeko:Amniga

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxayo dab khasaaro gaystay oo habeenninadii Xalay ahayd ka kacay suuq ku yaalla magaalada Kismaayo.

Dabka oo ka bilaabmay qaybta lagu iibiyo shidaalka ee suuqa wayn ee magaalada Kismaayo, ayaa sababay burburka hanti fara badan, waxaana wararka ay sheegayaan in ay burbureen dhismayaashii ganacsi ee ka agdhawaa goobta uu dabka ka kacay.

Ma jirto khasaaro nafeed oo laga soo wariyay goobta uu dabka kacay, waxaana dabkaan damintiisa ay qaadatay muddo saacadaha.

Madaxweyne Ku xigeenka 1aad ee DG Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan, ayaa sheegay in maamulka degmada iyo kan dadka shacabka ah ay ku guulaaysteen daminta dabka xalay ka kacay magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland.

“Waxa aan xanuunka iyo dhibka la wadaagayaa ganacsatada ay hantidoodu ku gubatay dabkii ka kacay suuqa Kismaayo kuna fiday goobaha ganacsi, musiibada dabku waa mid kamid ah arrimaha nooga wada baahan maareynta” ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan.

Dhinaca kale ra’iisulwasaaraha dalka Xamsa Cabdi Barre, oo ka hadlay dabka ayaa dadka ku hanti waayay uga baryey in uu eebbe baddal qayr qabo siiyo.

“Waxaan murugada iyo xanuunka la qeybsanayaa dadka shacabka ah ee hantidooda ku wayay musiibada caawa ka dhacday suuqa ugu weyn ee Magaalada Kismaayo, Waxaana Alle uga baryayaa inuu badal khayr qaba ka siiyo hantida ay ku wayeen dabkaas. Waxaa Alle mahadii ah in lagu guuleystay daminta dabka iyada oo aaney jirin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay dabka” ayaa lagu  yiri qoraalka lasoo dhigay Barta RW Xamsa Cabdi Barre.

Sikastaba suuqyada magaalooyinka waawayn ee Soomaalida ayaa waxaa ku soo noqnoqda dabka, xilliyada habeenkii ah ka kaca.

Goobjoog News