U bood dhigaalka

DF Oo Gurmad U Dirtay Buuhoodle

Sheeko:Amniga

Dowladda Soomaaliya ayaa saaka markii ugu horaysay deeq raashiin ah u dirtay magaalada Buuhoodle ee gobalka Togdheer oo kamid ah deegaanada ay sida ba’aan u saamaysay abaarta dalka ka jirta.

Wasaaradda gargaarka iyo masiibooyinka oo wakiil uga ah dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in deeqdaan looga qayb qaandanayo abaarta dalka ka jirta.

Deeqdaan ayaa waxaa horay Soomaaliya u soo gaarsiiyay dowladda Imaaraadka Carabta oo ugu deeqay in wax looga qabto dadka ay abaarta saamaysay.