U bood dhigaalka

DF Oo Sheegtay In Ay Gacanta Ku Dhigeen Sarkaal Sare Oo Ka Tirsanaa Al Shabaab

Sheeko:Amniga

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda warfaafinta xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Danab guutadooda 1-aad ay gacanta ku soo dhigeen sarkaal sare oo ka tirsanaa dagaalmayaasha Al shabaab.

Sarkaalkan ay dowladdu sheegtay in ay soo qabatay ayey magaciisa waxa ay ku sheegatay Ibraahim Maxamed Rooble waxa ayna sidoo kale tilmaamtay in laga soo qabtay qeybo ka mid degmada Walaweyn ee gobalka Shabeellaha hoose.

Howlgalkan lagu soo qabtay sarkaalkan ayaa dhacay 23-kii bishan, waxaana qoraalka ka soo baxay dowladda Soomaaliya lagu caddeeyay in shaqsigan uu ka mid ahaa saraakiisha ugu sarsareysa ee Al shabaab u qaabilsanaa gobalka Shabeellaha hoose.

Ma jirto wali wax war ah oo ka soo baxay Al shabaab oo ay uga hadlayaan warka dowladda ee ah in sarkaal sare oo iyaga ka tirsanaa ay ku qabteen gobalka Shabeellaha hoose gaar ahaan degmada Walaweyn.

Muddooyinkii u dambeeyay dowladda federaalka ayaa howlgallo qorsheysan waxa ay ka sameynayeen gobalka Shabeellaha hoose, waxaana dhowaan ay si buuxda ula wareegeen magaalada Janaale, iyaga oo sidoo kalane sheegay in degmooyin iyo deeganno kale ay qabsan doonaan.

Goobjoog News