U bood dhigaalka

DF oo war ka soo saartay Shaqaaqooyinka Laascaanood

Sheeko:Amniga

Dowladda Soomaaliya ayaa war ka soo saartay xaaladda gobalka Sool gaar ahaan magaalada Laascaanood oo shantii maalin ee la soo dhaafay ay ka dhaceen isku soo baxyo bulsho oo dad lagu dilay.

DF ayaa sheegtay in ay ka xuntahay waxa ka dhacay magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool.

“Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay ka xun tahay shaqaaqooyinka ka socda magaalada Laas Caanood ee Gobolka Sool,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay dowladda Faderaalka Soomaaliya.

DF ayaa sidoo kale sheegtay in ay ku baaqeyso in la ilaaliyo nabad gelyada shacabkana loo turo si aysan u soo noqon shaqaaqooyinkaas.

“DFS waxay ku baaqeysaa in si nabad ah loo maareeyo shaqaaqooyinkaasi, iyadoo loo turayo shacabka degaankaasina laga dhowrsado in dhiig dambe halkaasi ku daato,” ayaa markale lagu yiri war ka soo baxay Dowladda Soomaaliya.

Ugu dambeyn dowladda Soomaaliya ayaa ka tacsiyadeesay dadka ku dhintay magaalada sidoo kalena alle caafimaad u waydiisay in uu siiyo kuwa ku dhaawacmay shaqaaqooyinka ka dhacay Laascaanood.

“Waxay sidoo kale Dowladda Federaalka ee Soomaaliya tacsi u direysaa qoysaska iyo eheladii dadkii naftooda ku waayey shaqaaqooyinkaas, iyo inuu Ilaahay degdeg caafimaad u siiyo kuwii ku dhaawacmey,” ayaa lagu yiri warka dowladda.

Sikastaba magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool ayaa todobad gudihii lagu dilay dad badan oo shacab ah kuwaas oo aan waxba gaystan, waxaana tacadiyaasaad gaystay ciidamada Somaliland.

Goobjoog News