U bood dhigaalka

DFS Maxay Ka Tiri Weerarkii Muqdisho?

Sheeko:Amniga

Wasaaradda Warfaafinta ayaa ka hadashay qaraxyadii maanta ka dhacay iridda hore ee wasaaradda amniga iyo arrimaha gudaha kuwaasi geystay khasaare iskugu jira naf iyo maal.

Wasiirka wasaaradda Warfaafinta Daahir Maxmauud Geelle ayaa sheegay in la soo afjaray weerarkii lagu qaaday waaradda arrimaha gudaha iyo amniga isaga oo tilmaamay in la dilay saddex ka mid ah kooxihii weerarka soo qaaday.

“ Ciidamada iyo hay’adaha ammaanka weerarka waa ay la falgaleen waqti kooban ayeyna ku so oaf jareen raggii weerarka soo qaaday gabigood waa la dilay “.

Wasiirka ayaa tilmaamay dadka dhaawacmay in ay daaweyn doonto islamarkaasna dibadda loo qaadayo dhaawacyada gudaha wax looga qaban waayo.

“Inta dhaawaca ah dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an sidii markii hore ay ahaan jirtay dadkeeda in ay ka difaacdo in la waxyeeleeyo, haddii waxyeello soo gaartana ay daaweyso daawada haddii gudaha ay ka heli karaan gudaha lagula dadaalo haddii daaweyn dibadda ahna u baahanyihiin la qaado oo dowladaha iyo dalalka dowladda saaxiibka la ah lagu soo daaweeyo”.

Saakay barqadii ayay aheydii markii qaraxyo iyo weeraro lala beegsaday wasaaradda amniga iyo arrimaha gudaha inta la xaqiijiyay waxaa ku dhimatay 5 qof halka ay ku dhaawacmeen 20 kale.

Goobjoog News