U bood dhigaalka

DFS Oo Caddeysay Mowqifkeeda Ku Aadan Khilaafka Sacuudiga Iyo Canada

Sheeko:Dalka

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u caddeysay mowqifkeeda ku aadan khilaafka ka dhaxeeya dowladaha Sacuudiga iyo Canada.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Soomaaliya adkeeneyso taageeridda mowqifka diidmada Sacuudiga ee ay ku diidan tahay farogelin dibadeed oo lagu sameeyo arrimaheeda dibadda.

War-saxaafadeedka ayaa lagu yiri:

“Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si dhow ula socotay xaaladihii ugu dambeeyay ee ku soo kordhay xiriirka Dowladda aanu walaalaha nahay ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya iyo Canada.

“Iyadoo laga ambaqaadaayo arrinkani, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay adkeyneysaa taageeridda mowqifka diidmada ee Dowladda aanu walaalaha nahay ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya ee faragelin dibadeed oo lagu sameeyo arrimaheeda gudaha, iyadoo la tixgelinayo mabda’a aan oggolaanayn faragelin ee lagu caddeeyay Axdiga Qaramada Midoobay, oo ay ku jirto gobonnimadeeda iyo madax bannaanida go’aan gaariddeeda iyo waxa ay jideyso oo ah siyaasado ama habab garsooreed oo xiriir la leh shuruucdeeda qaran”

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay rajeyneysaa Riyadh iyo Ottawa inay ka gudbaan khilaafaadkooda si xiriirkoodu u sii socdo oo saldhig u ah kalsooni iyo xushmad is dhaafsi”.