U bood dhigaalka

DFS Oo Ciidan Geysay Dhuusamareeb

Sheeko:Amniga

Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud ayaa waxay sheegayaan, in saakay halkaasi ay ka degtay diyaarad siddey ciidan ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

Sidey sheegeen saraakiil ku sugan magaaladaasi, ciidankaan ayaa laga qaaday magaalada Muqdisho, waxaana ay gudaha u galeen magaalada Dhuusamareeb, walow aan tiradooda naloo xaqiijin.

Qoraal maalin kahor kasoo baxay hoggaanka Ahlu-sunna ayaa loogu sheegay DFS in aanay ciidamadeeda iyo kuwa AMISOM keeni karin Dhuusamareeb.

Weli arrintan kama aanay hadal madaxda sare ee ururka Ahlu-sunna Waljameeca.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News