U bood dhigaalka

DFS Oo Isbedel Ku Sameysay Ciidamadii Ku Sugnaa Wadada Isku Xirta Muqdisho Iyo Afgooye

Sheeko:Amniga

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa isbedal ku sameysay ciidamadii xasilinta ee ku sugnaa wadada dheer ee isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.

Dhammaan barihii ay ciidamadaasi ku sugnaayeen ayaa waxaa la geeyey ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka Soomaaliya, kuwaasi oo aammaanka wadadan la wareegay.

Mukhtaaq Nuur Geesey oo ah madaxa arrimaha bulshada ee deegaanka Lafoole ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog News, wuxuu sheegay in hadda loo keenay ciidamo la shaqeynaya shacabka iyo maamulkooda.

Wuxuu tilmaamay in la burburiyey difaacyo badan oo ciidamadii hore halkaasi ku lahaayeen, dadkuna ay soo dhoweeyeen.

“Annaga iyo shacabkaba waxaan soo dhoweyneynaa ciidamadan Milatariga ah ee naloo keenay, kuwii hore dadku isma fahmayn oo xitaa looma soo dacwoon karin, laakiinse hadda waxaa naloo keenay ciidamo Milatari ah oo shacabka ku dhex jira, ayna la socdaan saraakiil asluub leh oo howlaha ciidan qibrad u leh, qabiilna ka madax bannaan” ayuu yiri Mukhtaar.

Madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa dhowaan ammar ku bixiyey in la furo waddooyinka magaalada Muqdisho, shacabkana loo fududeeyo isku socodkooda.

Goobjoog News