U bood dhigaalka

DFS Oo Mas’uulkii Ugu Horreeyey u Xirtay Arrimo La Xiraara Musuq Maasuq

Sheeko:Dalka

Mas’uulkii ugu horreeyey ee ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ayaa loo xiray arrimo la xiriira musuq maasuqa.

Sida lagu daabacay warbaahinta dowladda, waxaa xarunta CID ee magaalada Muqdisho lagu xiray Daahi Maxamed Nuur oo ahaa agaasimaha waaxda dib u dejinta barakacayaasha ee wasaaradda gar-gaarka.

Waxaa loo haystaa agaasimahan xatooyo dadweyne, islamarkaana lunsaday lacag dhan $ 84,000 (Siddeetan iyo Afarkun oo Doollar).

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News