U bood dhigaalka

DFS Oo Sheegtay Iney Ka Faa’ideysan Doonto Mashaariicda Horumarineed Ee Shiinaha

Sheeko:Dalka

Wasiirka Arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Xukuumada Federalka Soomaaliya, Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa u sheeegay warbaahinta dowladda in dalka uu diyaar u yahay in uu ka fa’ideysto hindisaha hurumarineed ee kaabayaasha dhaqaalaha ee Madaxweynaha Shacbiga Shiinaha Xi Jinping kaasi oo Africa iyo dunida oo idil ka wada faa’ideysanso.

Wasiirka ayaa dhigiisa dalka Shiinaha waxa uu la qaatay kulan laba geesood ah oo ku qotoma xoojinta xiriirka saaxiibtinimo ee taariikhiga ah ee labada dal iyo in Soomaaliya ay ka faa’ideysato fursadaha jira ee dhanka mashaariicda hurumarineed, ganacsiga iyo wax-is-dhaafsiga.

“Dawladda Soomaaliya waxa ay heshiis is af-garad ah kuna saabsan ku biirida hindisaha kabayasha dhaqaalaha la gashay dawladda Shiinaha sanadkii hore, 2018, waxana aan hadda u nimid ka dhabeynta heshiiskaas, waayo dawladaha Africa iyo adduunka oo dhan baa ka faa’ideysanaya, kana faa’idey”

Wasiirka ayaa rajo ka muujiyey in iskaashiga dawladaha Soomaaliya iyo Shiinaha uu gaaro level cusub oo dhanka iskaashiga, ganacsiga, sare u qaadida dhanka warshadaha iyo wax-is-dhaafsiga labada dad mud 3-sano gudahood, isaga oo rajo wanaagsan ka qaba, xusayna dhinacyada ay is ka kaashan karaan

“Waxa aan sidoo kale ka faa’ideynaa Shiinaha dhisida kaabayasha dhaqaalaha sida wadooyinka, dekadaha, eeraborada iyo sare u qaadida technology-yada, waxbarida dhalinyarada, u abuurada shaqo. Hurumarinta beeraha iyo kalluumaysiga”, ayuu yiri.

Soomaaliya ayaa leh dhul beereed weyn, waxana ay sidoo kale leedahay xeebta uga dheer Africa waxana ay u baahan tahay suuq ay kheyraadkeeda u beec-gayso sida kan Shiinaha oo kale.

Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha debadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad iyo wafdi uu hogaaminaya ayaa ka qayb-galaya shir u dhaxeeya wasiirada arrimaha debbadda Africa iyo madaxda hay’adaha maaliyada waddanka Shiinaha kaasi oo lagu daba-galayo hir-gelintii natiijada ka soo baxday shir madaxeed dalka Shiinaha iyo Africa ee ahaa iskaashiga labada dhinac loona yaqaan FOCOC.