U bood dhigaalka

Dhaawacyada 24 qof oo la keenay Muqdisho

Sheeko:Amniga

Waxaa caawa magaalada Muqdisho, soo gaartay diyaarad sidday qaar kamid ah dadkii dhaawacyada daran ay ka soo gaareen qaraxyo maanta ka dhacay magaalada Baladweyne.

Diyaaradda oo garoonka diyaaradaha ay ku soo dhaweeyeen maamulka gobalka Benaadir iyo mas’uuliyiin heer federaal ah ayaa isbitaalka Digfeer u gudbiyay dhaawacyada dadkii ay waxyeelada soo gaartay.

Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale, Wasiirka caafimaadka dowladda federaalka ayaa garoonka ka soo dejiyay 24 dhaawac oo ay waxyeello ka soo gaartay qaraxyadii maanta ka dhacay Baladweyne.

Guddoomiye Madaale, ayaa ka tacsiyadeyay geerida ku timid dadkii weerarka ku dhintay, waxaana uu kuwa dhaawaca ah alle uga baryay in uu u booga dhayo.

Goobjoog News