U bood dhigaalka

Dhacdadii uu Sadio Mane kula kulmay Isbitaalkii dhaawaca loo geeyay & Sida uu uga farxiyay qoyskii Wiilkooda ka quustay

Sheeko:Cayaaraha

Weeraryahanka Liverpool ee Sadio Mane ayaa ka mid ah xiddigaha kubadda cagta ku caan baxay ee lagu ammaano bini’aadannimada iyo caawinta dadka masaakiinta ah, waxaana haatan intii uu socday tartankii AFCON ee ka socday Cameroon uu bixiyay qarashka ku baxay wiil yar oo dhaawacyo daran la dhibaatoonayay intii uu ku jiray isbitaalka.

29-sano jirkan ayaa isbitaal ku yaallada dalka Cameroon la geeyay kaddib markii uu dhaawac madaxa kasoo gaaray ciyaartii ay xulkiisa Senegal 2-0 ku garaaceen Cape Verde iyadoo ay isku dhaceen goolhayaha xulkaas ee Vozinha, waxaana Mane uu isbitaalka kula kulmay qoys danyar ah oo uu wiilkooda isbitaalka ku jiro isagoo dhaawac daran kasoo gaaray shil mooto.

Xiddiga Reds ayaa sida la sheegay 400 kun oo gini ku wareejiyay hay’adda FCFA si ay ugu caawiso qoyskan isla markaana lagu bixiyo qarashka isbitaalka oo dhan.

“Waxay ila tahay inaan sheegay ficilka deeqsinnimada ee Sadio Mane uu ka sameeyay [magaalada] Bafoussam isagoo caawiyay qoys masaakiin ah” ayuu qof marti ah u sheegay kanaalka Equinoxetv ee laga leeyahay dalka Cameroon.

“Qoyska aad ayay isugu dhex yaacsanaayeen mooto ayaa canuggooda dishay waxaana ka jajabay lafahiisa oo dhan, jirkiisa oo dhanna dhaawacyo ayaa haraayay, waxa uu ku dhowaaday dhimasho, qoyskiisana ma aysan awoodin inay bixiyaan qarashka daaweyntiisa.

“Sadio oo isbitaalka joogay ayaa arkay qoyska oo murugsan, waxaana uu weydiiyay sida ay wax u jiraan, waan u sharaxnay kaddib waxa uu 400 kun ugu dhiibay FCFA, lacagtaasna waxay u gargaartay qoyskan.

“Waxaan rumeysanahay in naxariistaas uu maanta Rabbi u abaal guday” ayuu qofkii martida ku ahaa isbitaalka u sheegay.

Si kastaba ha ahaatee, Mane oo hibadiisa ciyaareed ku soo bandhiga garoonka ayaa sidoo kale lagu ammaanay daryeelka danyarta isagoo sanadkii 2019 iskuul ka dhisay magaalada uu ka soo jeedo ee Bambali ee dalka Senegal.

Goobjoog News