U bood dhigaalka

Dhacdooyinkii Ugu Muhiimsanaa Soomaaliya 2016 

Sheeko:Dalka

Maanta waa maalinta koowaad ee sanadka cusub ee 2017-ka, qof weliba sanadkii tagay wax ayuu ku xasuustaa, waxaase muhiim ah in sanadkan cusub qof weliba ku qaabilo kana fakiro sidii uu hormarin lahaa naftiisa, dalkiisa iyo diintiisa.

Hadaba, Xusuusta gaarka ah ka sokow, waxaa jira xusuus guud oo ah dhacdooyinkii dalka ka dhacay 2016-ka, taas oo ay muhiihi tahay in aan akhristayaasheenna xusuusinno.

Hadaba Halkan Hoose Ka Akhriso Dhacdooyinka Lagu Xusuusan Doono Xasuusto Sanadkii Tagay Ee 2016:

January 8, 2016: Kooxo aan heybtooda la garaneyn ayaa garaacay isla markaana dhaawac u geystay weriye ka shaqeynayey waqooyiga dalka.

Xussein Xassan Cadde, oo ka shaqeeyay Puntland TV, saldhigiisuna ahaa Buuhoodle ayaa halkaas si un loogula dhaqmay.

January 10, 2016: Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa  Saxiixay Xeerka Saxaafadda Soomaaliya.

January 11, 2016: Madaxweynaha Mareykanka ayaa  Stephen Schwartz  waxaa uu u magacaabay Ambassadorka Mareykanka u fadhin doona Soomaaliya, arrintan ayaa dhacday 25 sano oo Mareykanka aanu wax safaarad ah ku laheyn Muqdisho.

January 21, 2016: Weeraro ka dhacay Liido, goor Maqrib ayaa weerar lagu qaaday Maqaahida Sea Food ee xeebta Liido, waxaa halkaas joogay dad shacab ah, ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhimatay halka dhaawaca uu kor u dhaafay 40 qof.

January 26, 2016: Weriye Cabdi Xaaji Goobdoon ayaa geeriyooday, Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoyskii, eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Marxuum Cabdi Xaaji Gobdon oo ahaa La Taliyaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha dhanka arrimaha warfaafinta.

January 30, 2016: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeybgaley furitaanka Shir Madaxeedka 26-aad Midowga Afrika oo  ka dhacay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia.

Shirka waxaa si rasmi ah u furtey Madaxa Guddiga Sare ee Midowga Afrika, Nkosazana Dlamini Zuma, oo khudbad ay jeedisay ku sheegtay in qaaradda Afrika ay tahay goob dadyow kala duwan ku nool yihiin, kuwaas oo hadafkoodu yahay inay ku noolaadaan nabad is xaqdhowr iyo horumar.

February 2, 2016: Qaraxii Diyaaradda Daalo, 2 dhaawac iyo mid dhimasho ah, qof reer miyi ah ayaa Goobjoog News u sheegay in uu arkey meyd cirka ka soo dhacay, Qaraxa waxaa loo adeegsaday Laptop laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, duuliyaha ayaa ku guuleystay in uu diyaaradda uu dib ugu soo celiyo Aden International Airport.

February 9, 2016: Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay mooshin ka geeyeen madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kadib markii ay sheegeen in madaxweynuhu uu ku xadgudbay xasaanadda xildhibaannada.

Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye oo la hadashay Goobjoog News ayaa sheegtay in mooshinkaan ay geeyeen xildhibaanno ka badan 50, islamarkaana ay kasoo horjeedaan hadal uu sheegay madaxweynaha oo ah in la baari doono mas’uuliyiinta dowladda ee ka dhoofaya garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waa sida ay hadalka u dhigtay.

February 15, 2016; Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay shir looga hadlayey amniga oo dalka Jarmalka ka dhacay ayaa waxa uu kaga hadlay arrimo badan.

Waxa uu kaga hadlay khudbaddiisa xaaladda dalka uu ku sugan yahay, hammiga dowladda Soomaaliya ee ah in la helo ciidamo amniga dalka la wareega iyo khudbadda oo qeybo badan oo ka mid ah uu uga hadlay xarakada Al-shabaab, maadaama shirka looga hadlayey ammmaanka.

February 23-24, 2016: Waxaa Istanbul ka dhacaya shir HPLF oo looga hadlayo arrimaha la xiriira Hiigsiga 2016-ka, looguna diyaar garoobayo doorashada dalka ka dhaceysa 2016-ka, shirkan waxaa wada guddoominayey  Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Qaramada Midoobey.

February 24, 2016: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan ayaa kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Istanbul.

Labada hoggaamiye ayaa ka wadahadley xoojinta xiriirka labada dal, taageerada dhinaca dhaqaalaha,amniga, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo horumarinta ee Turkiga uu siinaayo Soomaaliya.

February 26, 2016: Qarax ayaa ka dhacay  Hotel SYL, 45 qof ayaa dhaawacmay halka ay ku dhinteen 10 qof, wararka waxaa ay sheegayaan in labo qarax ay ka dhaceen halkaas.

March 7, 2016: Afhayeen u hadlay Pentagon ayaa sheegay in 150 ay ka dileen Al-shabaab kadib markii ay duqeeyeen maalin ka hor xerada Raaso oo ka tirsan deegaanka Dhariyow oo hoos tagta Buula-Burde, Hiiraan.

March 7, 2016: Qarax Laptop loo adeegsaday ayaa ka dhacay Baladweyn, ilaa 6 qof ayaa ku dhaawactay, labo ciidan ah iyo 4 rayid ah.

March 9, 2016: Qof gaari ka soo buuxiyay  walxaha qarxa ayaa waxaa uu ka dhacay agagaaraha maqaaxi ku taala Dhismaha Xarunta Gaadiidka Booliska Ee Degmada C/casiis, Qaraxa gaariga ayaa waxaa ku dhintay  ilaa 3 Saraakiil Booliskaka tirsanaa oo goobta joogay,

March 16, 2016: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarunta madaxtooyada ku qaabilay Madaxweyne Ku Xigeenka 1-aad ee Jamhuuriyadda Burundi, Gaston Sindimwo oo booqasho laba maalmood qaadaneysa ku yimid dalka.

March 24, 2016: 23 ayaa ku dhimatay in ka badan 10 ayaa sidoo kale ku dhaawacmay dagaal maamulka Galmudug iyo Al-shabaab ku dhex maray gobolka Mudug qeybta Galmudug.

March 31, 2016: Qarax Ismiidaamin ah ayaa ka dhacay Galkacyo, Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkaasi ku geeriyootay 7 qof oo uu ku jiro ruuxii is qarxiyey waxaana ku dhaawacmay 8 kale oo shacab u badan.

April 5, 2016: Waxaa Xamarweyne lagu weeraray gaariga Xildhibaan Maxamed Cali Daheeye, darawalka iyo mid ilaalada xildhibaanka ayaa halkaas ku dhintay halka Xildhibaanka iyo mid kale oo ilaaladiisa ah uu dhaawacmay.

April 11, 2016: Qarax ayaa waxaa uu ka dhacay (Visha Governo) gaar ahaan Maqaahida Al-hindi, maamulka gobolka Banaadir waxaa uu xaqiijiyay in ay ku dhinteen ilaa 5 qof.

April 16, 2016: Wararka ka imaanaya Deegaanka Buulo-mareer ee Gobolka Shabeelaha Hoose  ayaa sheegaya in ciidamada AMISOM ee ku sugan deegaankaas in ay dileen 4-ruux oo dad shacab ahaa xili ay kala dageen gaari kusoo wajahnaa Magaalada Muqdisho.

April 19, 2016: 6 caruur ah iyo ayeeyadood ayaa ku geeriyooday kadib markii hoygooda dab la qabadsiiyay duleedka Marka.

April 20, 2016: Wiil 12 jir ah oo Adhi la jiro ayaa lagu qashay, kadibna la cunay, wiilksan oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Carab Buraalle waxaa lagu qashay deegaanka Ballidhiig oo ka tirsan Togdheer, Somaliland, wararka waxaa ay intaa ku darayaan in ninkii falkaas sameeyay la qabtay.

April 26, 2016: Weerar ayaa lagu qaaday Xildhibaan ka tirsan federaalka, Xildhibaan Ibrahim Aden Dhaayow ayaa gurigiisa lagu weeraray Bambaanooyin, ilaa 4 ilaaladiisa ah ayaa halkaas ku dhaawacanaty.

May 4, 2016: Madaxweyne Xasan Sheeh ayaa xilka ka qaadey guddoomiyihii maxkamadda sare Caydiid Cabdullaahi Ilkaxanaf, isla Xilkaas waxaa loo magacaabey Ibrahim Idle Suleymaan oo ahaa garyaqaanka guud ee Somaliland .

May 9, 2016:  6 qof ayaa ku dhimatay halka 15 kale ay ku dhaawacmeen weerar Ismiidaamin ah oo ka dhacay Xarunta Fiisha Taraafiko ee degmada cabdi casis.

May 9, 2016: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, ayaa  magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay wafdi ka socday dowladda Mareykanka oo uu horkacayey Madaxa arrimaha Africa ee xafiiska Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda, Mr Bruce Wharton.

May 15, 2016: Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarigga waxa uu ka jaray waddooyinka Sayidka iyo Danwadaagta ee magaalada Muqdisho kuwaasi oo ay dhiseen shacabka Soomaaliyeed oo is kaashanaya iyo maamulka gobolka Banaadir oo taageeraya dadkaasi.

May 19, 2016: Qarax Ismiidaamin ah ayaa ka dhacay Maqaahi ku taallo Cali Kamiin, Afhayeenka gobolka oo qaraxa kadib warbaahinta la hadlay ayaas sheegay in laba qof qaraxaasi ku dhimatay, halka sideed kalana ay ku dhaawacantay. Laba ka mid ah dadka dhaawacmay buu yiri waa dumar.

May 28, 2016: Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla oo ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa sheegay in Sharicyaddii baarlamaanka aan laga sugeyn oo ay aaday Golaha madasha Qaranka.

June 1, 2016: in ka badan 15 qof ayaa ku dhintay halka 53 ay ku dhaawacmeen qarax iyo rasaas ka dhacday Hotel ambassador ee magaalada Muqdisho ,  xildhibaanno ayaa ku geeriyooday qaraxa,  Xildhibaan C/laahi Jaamac Kaba-weyne iyo Xildhibaan Max’uud Max’ed Guure .

June 5, 2016: Waxaa gelinkii dambe ee maalintaas magaalada Muqdisho lagu dilay Allaha u naxariistee Wariye Sagal Salaad Cismaan oo ka howlgali jirtay warbaahinta dowladda.

June 6, 2016: Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa  ansixiyay 3 sharci oo uu ku jiro sharciga  Axsaabta qaranka.

June 9, 2016: Wasiirrada Maamulka Jubbalanad ayaa kalsooni ka helay baarlamaanka maamul goboleedkooda.

June 11, 2016:   Baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo  shir ku yeeshay xaruntiisa magaalada Muqdisho ayaa meel mariyay shariciga lagu dhisayo maxkamadda dastuurka isla markaana wakhti kordhin u sameeyay guddiiga madaxa banaan ee xuduudaha iyo federaalka.

June 15, 2016: Baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo shir ku yeeshay xaruntiisa magaalada Muqdisho ayaa wax ka bedelay Labo qodob oo dastuuri ah.

Labada qodob ee wax laga bedelay ayaa kala ah ; qodobka 136-aad, faqradiisa 2aad waxaanuu qodobkani farayaa in inta lagu guda jiro mudada xilhaynta baarlamaanka 9-aad in la dhameystiro dib u eegista dastuurka iyo afti qaran in la qaado, iyadoo dib loogu dhigay in baarlamaanka 10-aad ay shaqadaa qabtaan maadaama aaney hadda suurtogaleyn.

June 25, 2016: in ka badan 15 ayaa ku dhimatay halka 30 kale ku dhaawacmeen qarax iyo rasaas ka dhacday Hotel Naasahablood ee magaalada Muqdisho, dadka halkaas ku geeriyooday waxaa ka mid ahaa wasiiru dowlaha bey’ada Burci.

July 5, 2016: Ugu yaraan 8 qof ayaa ku dhaawacantay qarax ka dhacay suuqa weyn ee degmada Wadajir magaaladan Muqdisho.

July 26, 2016: Labo qarax ayaa ka dhacay Albaabka xerada Xalane, Inta la xaqiijiayey 12 qof aoo isugu jira ciidamo iyo dad shacab ah ayaa ku dhintay weerarkaasi, iyadoo la xaqiijiyey dhaawaca 2 ruux balse khasaaraha uu intaasi ka badan karo.

July 31, 2016: Labo Qarax ayaa ka dhacay xarunta CIDda Muqdisho Wasiirka amniga ee dowladda Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta CID-da ayaa sheegay in dadka dhintay ay yihiin 7 raggii weerarka geystay ah iyo 5 qof oo shacab ah.

Shirka Jaraa’id waxaa kaloo wasiirka amniga qaranka sidoo kale joogay Taliyaha booliiska iyo taliyaha nabad sugidda qaranka iyo  madax kale ee dowladda Soomaaliya.

Amin  Ambulance oo ah gadiidka gargaarka dadweynaha oo la hadlay Goobjoog News ayaa dhankooda sheegay in 12 qof ay ka qaadeen goobta qaraxa ka dhacay ee CID-da.

Maamulka Isbitaal Madiina oo la hadlay Goobjoog News waxaa ay sheegayaan in 17 qof la keenay halka 2 ka mid ah dadkiisa ay dhinteen.

August 03, 2016: Xukuumadda Somaliland ayaa  mamnuucay Baasaboorka Somaliya ee sida qarsoodiga ah loogu samayn jiray Somaliland in aan madaaradda lagaga dhoofi Karin, isla markaana aan lagu soo gali Karin, sidaa waxaa ku dhawaaqay Taliyaha laanta socdaalka Somaliland, Jeneraal Maxamed Cismaan Caalin (Dayib), iyo Agaasimaha arrimaha gudaha Somaliland Cabdifataax Siciid Maxamed.

August 05, 2016: Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa Magaalada Addis Ababa ee Waddanka Itoobiya kaga Qayb-galay kulan-madaxeedka Deg-degga ah ee ay isugu yimaadeen Hoggaamiyeayasha Dalalka xubnaha ka ah Ururka IGAD iyo Wakiillada Dalalka iyo ururada kale ee Caalamiga ah kaga arrinsanayeen Qalalaasaha ka taagan dalka Koonfurta Suudaan.

August 06, 2016:  Xukuumadda Somaliland, ayaa  Golaha Wakiillada u soo gudbisay Heshiishkii maal-gashiga dekada Magaalada Berbera oo ay horay u meel-mariyeen Golaha Xukuumadda, kaasi oo si weyn ugu kala qaybsanaayeen  xildhibaanadda golaha wakiiladdu.

August 09, 2016: Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, ayaa magacaabay gudiga hirgelinta doorashooyinka dadban ee heer Maamul-Gobolleed (GHDDDG) 3 dowladda ah iyo 8 maamullada soo magacaabayaan.

August 10, 2016: Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu Hoggaaminaayo ayaa tagay magaalada Jigjiga oo ah Caasimadda Dowlad-deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya.

August 14, 2016: Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa  si rasmi ah u saxiixay sharciga lagu dhisayo Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Somalia.

Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay munaasabadda saxiixa sharcigan ayaa sheegay in dhawrista xuquuqda aadanaha ay qayb ka tahay dhismaha dowlad wanaagga iyo in nabad iyo caddaalada lagu wada noolaado.

August 17, 2016;  Maxkamadda Ciidamada ee Dalka Uganda ayaa dambi ku heshay sagaal Askari ka tirsan ciidamada AMISOM, kuwaasoo bishii Juun ee sannadkan la qabtay xilli ay ku gudo-jireen iibsashada Shidaalka Ciidamada AMISOM.

August  19, 2016: Idaacada Shabeelle ayaa  saacado hawada ka maqneyd kadib markii ciidamada NISA ay yimaadeen amarna kusiiyeen muumulka in la damiyo.

August 19, 2016: Xisbiga Dimuriqaadiga ah ee Minnesota, ayaa  Kalsoonidii Musharraxnimo siiyay  ilhan Omar oo iyadu sagaalkii bishaan ku guulaysatay tartan ay wada galeen Phyllis Kahn iyo Mohamud Noor.

August 20, 2016: Jeneraal Maxamed Cali Samatar oo xilal badan kasoo qabtay Soomaaliya ayaa  ku geeriyooday gobolka Virginia ee Mareykanka.

August 21, 2016 : Ugu yaraan 20-qof ayaa ku dhintay, illaa 30-qof oo kalena way ku dhaawacmeen qaraxyo is-xigay oo  ruxay Waqooyiga Degmada Gaalkacyo ee gobolka Mudug oo ay Maamusho Puntland,

August 25, 2016: Qarax iyo weerar ayaa ka dhacay maqaayad ku taalo Liido, Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobalka Banaadir Col Bishaar Abshir Geeddi oo la hadlay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa Xaqiijiyay in tirada guud ee dhimashada ay gaareyso 9 ruux oo Shan kamid ah ay yihiin dad Shacab ah, 2 Askari oo Ciidamada Ammaanka iyo 2 nin oo ah dableydii weerartay Maqaayadda Banaadir Beach, dhaawana uu yahay 2 qof oo kaliya.

August 26, 2016: Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaarey Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasoo ay kaga qeybgalayeen shir-madaxeedka 6-aad ee Dalalka Afrika iyo Japan ee TICAD (Tokyo International Cooperation with Africa Development).

August 29, 2016: Qarax ayaa ka dhacay SYL Hotel iyo afaafka hore ee madaxtooyada,  kaas oo ay ku dhinteen in ka badan 20 qof halka dhaawaca uu kor u dhaafay 40 qof.

Sebtember 6, 2016: Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wareegto uu soo saaray ku joojiyay dhammaan awoodaha dastuuriga ah ee dowladiisa,

September 06, 2016:  Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si Rasmi ah u saxiixay sharciga Asxaabta siyaasada dalka, kaasoo ogolaanaya furashada xisbiyo siyaasadeed iyo inay si sharci ah dalka uga hawl-geli karaan.

September 10, 2016 : Puntland iyo Somaliland ayaa xadkooda  kula kala wareegay Siddeed maxaabiis ah iyo laba Gaari oo ah nooca Noah-hada loo yaqaano oo kala shaqeeyay deegmooyinka Puntland iyo Somaliland.

September 13, 2016: Shir-madaxeedkii IGAD ee Muqdisho lagu qabtay ayaa lasoo gaba-gabeeyay, iyadoo laga soo saaray War-murtiyeed ay ka mid ahaayeen in la ilaaliyo midnimada Soomaaliya.

September 14, 2016: Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble , Ugaaska Beesha Xawaadle, ayaa lagu daray Liiska 135-ta oday-dhaqameed, kuwaasoo soo xulaya Xildhibaannada Baarlamaanka cusub ee Somalia.

September 15, 2016: 25 dayuuradood oo xamuul qaad ah siday ayaa soo gaaray Soomaaliya  maalin uun kadib markii  la fasaxay in diyaaradaha qaadku yimaadaan garoonka Muqdisho ee Aden Adde iyo Soomaaliya oo dhan.

September 18, 2016: Ugu yaraan 3 Ruux oo labo ka mid ah lagu sheegay Gabdho ayaa Mooto Bajaaj ay saarnaayeen waxaa Kolonyo ay la socdeen Xoogaga AMISOM ay ku jiirtay Isgooyska KM4 ee Magaalada Muqdisho.

September 18, 2016: Taliyihii Guutada Saddexaad ee Millateriga Somalia, Jen. Maxamed Rooble Jimcaale (Goobaanle) iyo ilaaladiisii qaarkood ayaa  lagu dilay Qarax ismiidaamin ah oo lagula beegsaday illinka Xerada Guul-wadayaasha oo ku dhaw dhismaha Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

September 19, 2016 :  Dacwadda ku Saabsan Muranka Badeedka u Dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya ka billaabatay Maxkamadda Cadaalada ee Qaramada Midoobay oo Fadhigeedu Tahay Magaalada Hague ee Dalka .

Setember 20, 2016: Inta la xaqiijiyay 5 qof oo rayid ahaa ayey Ciidamada AMISOM ku dileen Todobo kalana Nolosha ayey ku kaxeysteen  Tuulo lagu Magacaabo Waayo Arag oo dhacda duleedka degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hosoe.

September 22, 2016: Madaxweyinhii hore ee Soomaaliya Sharif Sheekh ayaa dalka yimid, isagoo ujeedadiisu aheyd sidii murashaxnimadiisa uu ugu dhawaaqi lahaa.

September 26, 2016: Koox hubeysan oo watay gaari ayaa  degmada Wardhiigley ee Magaalada Muqdisho ku dhaawacay xeer-ilaaliye ku xigeenka Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya, Col. Cabdullaahi Xuseen Maxamed (Mayoonge).

September 26, 2016: Wasiirka Warfaafinta Puntland  Maxamuud Xasan Soo-cadde ayaa iscasilay.

September 27, 2016: Wariye Cabdi Casiis Cali Xaaji oo ka shaqeynayey Radio Shabeelle ayaa lagu dilay Yaakhshiid, Muqdisho.

September 27, 2016: Maamulka Gobolka Banaadir ayaa mamnuucay  suuqa Cabdalla Shisheeye ee suuqa Bakaaraha, kaasoo lagu sameeyo dukumiintiyada iyo shahaadooyinka, isla markaana lagu iibiyo qalabka lasoo isitcmaalay.

September 28, 2016: 20 qof ayey Mareykanka duqeyn ku dileen gobolka Mudug, Mareykanka waxaa ay sheegeen in ay dileen Maleeshiyaad halka Galmudug ay sheegtay in ay ahaayeen ciidankeeda.

October 1, 2016: 2 qof ayaa ku dhimatay qarax gaari oo ka dhacay maqaahida SKY Plue, 5 kale ayaa ku dhaawacmay.

October 5, 2016: Waxaa la ansixiyay dastuurka Maamul Goboleedka Hirshabeelle

October 5, 2016: Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in Ciidamo katirsan AMISOM madaafiic ay ku rideen tuulo hoostaga Deegaanka Janaale ay ku dileen 6-qof oo la sheegay in ay isku qoys ahaayeen.

October 08, 2016 : Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud oo xarunta madaxtooyada Somalia kulan kula yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha amniga, Peter Thomas Drennan, iyagoo kawada hadlay arrimaha doorashada, amiga iyo siyaasadda dalka.

October 9, 2016: Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in Galkacyo aaney ka wada talin karin labo maamul.

October  13, 2016:  Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud ayaa xarunta madaxtooyada kulan kula yeeshay ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Qoxootiga Soomaaliyeed ee ku Nool Xeryaha Dhadhaab ee Kenya, Maxamed Cabdi Afeey.

October 13, 2016: Xildhibaannada Hirshabeelle oo doortay guddoomiye iyo 2-diisa ku xigeen

October 14, 2016: Ciidamo Maleeshiyaad ah ayaa la wareegay xarunta shirarka ee Jowhar, waxaa ay ka soo horjeedeen qaabka ay doorashada u socoto.

October 15, 2016: Abshir Bukhaari ayaa noqday Xildhibaankii ugu horeeyay ee la doorto 2016-ka, waa Xildhibaankii ugu horeeyay ee aqalka sare ah ee Soomaaliya ay doorato.

October 15, 2016: Haweeneydii u horreysay oo loo doortay Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Somalia ayaa noqotay, Zamzam Daahir Maxamuud oo aqalka sare ku meteli doonta maamulka Galmudug, kaddib markay Doorashadii kaga Guuleysatay musharraxii xilka kula tartamayay oo ahaa, Khaliif C/qaadir Macallin Nuur.

October 17, 2016: Cali C/llaahi Cosoble Siyaad ayaa loo doortay madaxweynaha Hirshabeelle, ku xigeenkiisa waxaa loo doortay Guddomiyihii Maamulka Gobolka Shabeellada Dhexe Cali C/llaahi Xuseen [Guud-laawe].

October 27, 2016 : Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaliya, C/salaan Hadliye Cumar, ayaa saxiixay Heshiiska Ururka Mideeya dalalka dhaca badweynta Hindiya ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan IORA. Intii uu socday shirweynihii wasiirada Dalalka ururkaasi oo lagu qabtay Jaziiradda Bali ee dalka Indonesia.

October, 29, 2016: Madaxweynaha Somaliland Axmed Max’ed Siilaanyo iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn, ayaa kawada hadlay sidii la isaga kaashan lahaa xoojin amniga Somaliland iyo Itoobiya, kaddib kulan ay ku yeesheen Addis Ababa.

October 29, 2016:  Ugu yaraan 1 Ruux ayaa ku dhintay, 3 kalena dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii Kolonyo ay wateen Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM uu Dad Shacab ah ku jiiray Degaanka Jazeera ee Duleedka Magaalada Muqdisho.

October 30, 2016: War-murtiyeed ay si Wadajir ah u soo saartay Beesha Caalamka, sida; Qaramada Midoobay, Ururka Midowga Afrika, Ururka IGAD, Talyaaniga, Sweden, Itoobiya, Ingiriiska iyo Maraykanka, ayaa lagu sheegeen inay ka walaacsan tahay beesha calaamka ‘eedeymaha sii socda ee la xiriira Musuq-maasuqa ka dhex-jira nidaamka doorashada ee Somalia.

October, 31, 2016: Dowladda Soomaaliya ayaa amartay in muddo bil guddaheed ah lagu xirro safaarada Soomaaliya ee magaalada Sanca, sidda uu warbaahinta u sheegay qunsulka safaarada Cismaan Axmed Max’ed..

November, 01, 2016: Waxaa la soo saaray war saxaafadeed, Mas’uuliyiinta labada dowlad gobolleed Puntland iyo Galmudug ayaa heshiis hordhac oo lagu soo afjarayo colaada Gaalkacyo ku gaaray magaalada Abu Dubai, waxaana hishiiskan goob joog ka ahaa madaxda dowlad gobolleedyada dalka.

November 1, 2016: Baarlamaanka dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa doortey guddoomiye, kadib kulan ay magaalada Muqdisho ku yeesheen xildhibaannada baarlamaanka, Ducaale Daahir Maxamed ayaa ku guuleystay.

November, 04, 2016: Baarlamaanka Koofur Galbeed ayaa Madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed Shariif Xassan Sheeh Aadan u ogolaaday in uu u tartamo xilka madaxweynaha Soomaaliya sanadkan 2016ka.

November 06, 2016: Wariye Mahad Cali Max’ed oo suxufiyiinta ka Hawl-gala Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa ku dhintay rasaas wiifto ah oo haleeshay, xilli uu kasoo baxay gurigiisa, kuna socday xarunta Idaacadda Codka Mudug oo uu ka shaqeynayay. –

November 06, 2016: Dagaal culus ayaa waxaa uu dhexmaray maamuullada Puntland iyo Galmudug, dagaalka waxaa uu ka dhacay Galkacyo, Wariye Mahad Cali Max’ed ayaa ka mid ahaa dadkii ku geeriyooday.

November 6, 2016: Sida ay sheegtay wakaallada wararka ee Qatar, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa  waxaa uu Telefan u diray Amiirka Qatar Tamiim Bin Xamad Al-Thani.Wakaaladda waxaa ay intaa ku dartay in labada mas’uul ay ka wada hadleen arrimaha xiriirka labada dal iyo sidii loo hor-u-marin lahaa.

November 10, 2016: Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh, ayaa  Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee Muqdisho kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Xirriika Caalamiga ah ee Burundi, Alain Aime NYAMITWE oo  soo gaaray Muqdisho.

November 11, 2016: Jawaari ayaa soo saaray hannaanka doorashada gobollada waqooyi, arrimaha ugu muhiimsan waxaa ka mid ahaa in oday dhaqamedka qaar uu badalay, isagoo sidoo kale ogolaaday in hal ergo dooran karaa hal xildhibaan wax ka badan.

November, 12, 2016: Magaalada Gaalkacyo waxaa lagu kala saxiixday heshiis hor-udhac ah kadib wada hadal mas’uuliyiinta labada maamul Puntland iyo Galmudug oo ay kala hogaaminayeen madaxweynayaasha C/wali Max’ed Cali Gaas iyo C/kariin Xusseen Guulleed, waxaa goobta joogay Cumar C/rashiid Cali Sharm’arke, wakiilka QM ee Soomaaliya Micheal Keating.

November  18, 2016: Ilaalada wasiirka dhalinyarrada iyo cayaaraha DF Max’ed Xassan Nuux ayaa xabado ku furay erdada doorashada ee magaalada Jowhar kadib markii kursiga uu wasiirka u tartamayey ee aqalka hoose wareegga labaad loo gudbay.

November  20, 2016: Allaha u naxariistee waxaa goor habeen ah Magaalada Garoowe ee Caasimada Dowlad Goboleedka Puntland ku geeriyooday Xildhibaan Daahir Xaaji Geelle Faarax oo kamid ahaa Baarlamaanka Soomaaliya ee cusub, isagoo horeyna u soo ahaan jiray Xildhibaan iyo xubin ka mid ah Guddiga Baarlamanka Soomaaliya u qaabbilsan Jaamacadda Carabta.

November 21, 2016: Guddoomiyaha doorashada maamulka Puntland ayaa ku dhawaaqay in uu jagadaas iska casilay.

November 22, 2016: Madaxweynaha Somaliland ayaa gaaray gobolka Sool si uu u qiimeeyo abaarta halkaasi jirta, dad badan ayaa ka cararay abaaro halkaas ka jira.

November 23, 2016: ALLAHA u naxariistee waxaa magaalada Hargeysa ku geeriyooday Abwaan, macalin, Mu’aluf, Maxamed Jaamac Kayd oo Muddooyinkan dambe bukaan jiif ahaa.

November 26, 2016: Ugu yaraan 17-qof ayaa ku Geeriyooday, Tiro 30-qof ka badanna way ku dhaawacmeen, kaddib qarax Baabuur oo ka dhacay Koontarool ku dhaw Suuqa beerta ee degmada Waaberi oo ku dhaway waddo laga galo garoonka weyn ee Diyaaradaha Magaalada Muqdisho.

November  26, 2016 : Kulliyad cusub [waa Kulliyadda Sayniska iyo Tiknoolojiyadda] ayaa laga dhex furay Jaamacada Ummada Soomaaliyeed ee Muqdisho.

November 27, 2016: Maamulka Galmudug ayaa soo jeediyay in la badalo guddoomiyaha guddiga khilaafaadka doorashooyinka maamulkaas.

November, 28, 2016 : War qoraal ah oo soo ka baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu amray guddiga doorashada heer dowlad gobolleed in ay joojiyaan ilaa amar danbe doorashada xubnaha aqalka hoose ee baarlamaanka cusub ee federaalka.

December 3, 2016: Senator Abshir Bukhaari oo xafiis adeeg ka furtay magaalada Cadaado, waa senatorkii ugu horeeyay ee sidaa sameeya.

December 3, 2016: Madaxweynaha Somaliland ayaa isku shaandhey ku sameeyay golaha wasiirada.

December 5, 2016: Madaxweynaha Soomaaliya ayaa tagay magaalada Kismaayo, isagoo la kulmay madaxda maamulka.

December 5, 2016: Ra’isul wasaare ku xigeenka Cumar Carte ayaa waxaa uu xiray shirweynaha 2aad ee u adkeysiga aafooyinka.

December 11, 2016: Qarax gaari loo adeegsaday oo ka dhacay Xili Subax Hore ka dhacay Afafaaka hore ee dekadda, waxaa uu sababay dhimashada ku dhawaad 50 qof oo shacab ah iyo 60 kale.

December 16, 2016: Ciidamada  AMISOM  ee qeybta ka ah howlgalka Amisom ayaa  gabar da’yar waxa ay ku dileen gudaha degmada jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

December 17, 2016: Waxaa Magaalada Hargeisa ku geeriyooday Majaajiliiste  Boon Xersi.

December 17, 2016: Wararka aan  ka helnay deegaan hoosyimaado degmada Marka ayaa sheegayo in ciidamada AMISOM si arxan darro ah u xasuuqeen hooyo iyo 3 caruur ah oo ay gurigooda ugu galeen

December 18, 2016: Askar ka tirsan ciidamada AMISOM ayaa la sheegay in ay dileen Lix qof oo shacab ah kadib markii ay qori baasuuke ah ku dhufteen gaari qudaar usoo wadey magaalada Muqdisho.

December 20, 2016: Murashax Maxamed cabdulahi Farmaajo ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho

December 20 , 2016: Waxaa Magaalada Boosaaso lagu dilay agaasimihii madaxtooyada Boosaaso ee gobolka Bari Aadan Gaas Huruuse,

December 27, 2016: Waxaa Magaalada Muqdisho lagu dhaariyay  Xildhibaanada Laba Aqal,  arrintan ayaa timid kadib markii munaasibad lagu qabtay  Dugsiga Tababarka Booliska (School Polizio) ee Magaalada Muqdisho, waa markii ugu horeysay ee Soomaaliya labo aqal yeelato.

December 30, 2016: Goobjoog Media Group ayaa daah-furtay Telefishin

December 31, 2016: Baarlamaanka 10-aad ayaa kulankiisa labaad ku gaaray dhowr go’aan oo ay ku jireen in la magacaabo guddi doorasho  guddoonka baarlamaanka oo ka kooban 25 xubnood, lagu qeybinayo 4.5, waxaa kaloo la diiday miisaaniyad uu keeney wasiirka maaliyadda iyo murashaxiinta oo la ansixiyay in la qaadi $15,000 murashax  guddoomiyeaha baarlamaanka iyo $30,000 murashaxa madaxweyne.

W/Q: Cabdi Caziz Axmed Gurbiye,