U bood dhigaalka

Dhadhaab: Soomaali Rajo Ka Qabtey Iney Aadan Maraykanka Oo Walaac Ka Muujiyey Go’aankii Trump

Sheeko:Dalka

Soomaalida ku nool xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab oo in badan oo kamid ah sugayeen barnaamijka dib u dejinta dalka Mareykanka loogu sameeyo qaar kamid ah qaxootiga caalamka ayaa walaac xooggan ka muujiyey qaraarka uu saxiixay madaxweynaha dlaka Maraykanka Donald Trump oo dad u dhashay 7 dal oo Soomaaliya ku jirto kahor istaagaya iney galaan.

Qaxootigan qaarkood oo la hadlay Goobjoog News, waxay sheegeen iney aad uga xun yihiin sharcigan ka dhanka ah qaxootiga ee uu saxiixay madaxweynaha dalka Maraykanka oo isaga markii uu ku jirey ololaha doorashada dalkaasi uu dalkiisa ka joojinayo wax uu ugu yeeray dad aan la aamini karin oo halis ku noqon kara ammaanka dalka Maraykanka.

Aadan Cabdi Maxamed, waxa uu kamid yahay dadka deggan Dhadhaab, waxa uu inoo sheegay in muddo 27-sano ah uu halkaasi deganaa, waxa uu sheegay in Maraykanka uu ku wajahnaa oo bixitaankiisa uu sugayey muddo 17-sano ah, isaga oo sheegay in go’aankii Trump aanu wanaagsaneyn.

“Waxaan degannahay Qaxootiga Xagar Dheere, waxaan halkaan joogaa 27-sano, waddanka Maraykanka ayaa i qaatey, waxaan duulimaad sugayey 17-sano, waxaan u arkaa arrintan uu ku hadlay Donald Trump mid aad u xun oo aan u wanaagsaneyn caalamka oo dhan, waxaa annaga dhib nagu haystaa meeshan, waddaankeena dhibaato baa ka jirto, marka saameyn weyn buu nagu yeeshay go’aankii Trump” ayuu yiri Aadan Cabdi.

Xabiibo Xasan Maxamed, iyana waxay kamid tahay Soomaalida ku sugan Dhadhaab ee hammiga ka qabey iney u baxaan Maraykanka, waxayna sheegtay in go’aankii Trump ay aad uga naxeen, iyada oo codsatey in Trump uu ka noqdo arrimahan oo dhan.

“Hadalka kasoo yeerat Trump aad iyo aad baan uga xumaannay, waxaan haystaa aniga gabar curyaan ah oo Sagaal jir ah, meel aan ku noqdana ma hayo, dadka sugayey iney baxaan baan ahaa, waxaan ka codsaneynaa Trump inuu ka laabto go’aankiisa” ayeey tiro Xabiibo Xasan.

Dhowaan magaalada Muqdisho waxaa la keenay dad la sheegay in laga soo musaafuriyey dalka Maraykanka kadib markii la tilmaamay in halkaasi ay qaab sharci darro ah ku galeen.

Goobjoog News