U bood dhigaalka

Dhagayso : Xildhibaano Prof. Jawaari ku eedeeyey guddoon jilicsan

Sheeko:Dalka

jawaariQaar ka mid ah xildhibaanadii mooshinka keeney oo saxaafadda la hadlay ayaa Guddoomiyaha baarlamaanka Prof. Maxamed Cusmaan Jawaari ku eedeeyey hogaamin dabacsan, waxayna ugu baaqeen in uu iska casilo xilka.

Daahir Amiin Jeesoow oo ka mid ah xildhibaanada hadlay ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in guddoomiyaha baarlamaanka uu isaga tago kulanka isaga oo aanan soo xirin.

Daahir wuxuu sheegey in haddii loo ogolaan waayo in ay sida caadiga ah ku codeeyaan in xeer hoosaadka baarlamaanka uu u fasaxayo in ay waraaqo ku codeeyaan, taasina ay samayn doonaan.

Wuxuu Ra’isulwasaare Cabdiwali ugu baaqay in uu xilka isaga dago maadaamaa ay timid duruuf gaar ah sida uu hadalka u dhigey.

Sidoo kale xildhibaan Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa dhankiisa sheegey in iyagoo dhan 170 xildhibaan in ay shaqadooda ay is hortaageen koox yar oo xildhibaano ah, wuxuu intaasi ku daray in guddoonka baarlamaanka uu maareeyo shaqadii baarlamaanka.

Wuxuu xoosh tilmaamay in guddoonka baarlamaanka uu iska indho tirey qodobada ku qoran xeer hoosaadka baarlamaanka oo uu sheegey in uu dhigayo in qofkii rabsho ka dhex sameeya baarlamaanka banaanka la istaajin karo iyada oo la adeegsanayo amniga qaranka.

Wuxuu dhanka kale sheegey in dad ajnabi ah ay faraha kula jiraan arrinta, isaga oo si gaar ah u eedeeyey Nicholas Kay, ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya, wuxuuna xildhibaanka ku baaqay in Soomaalida iyagu aayahooda ay ka tashtaan.

Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir oo isna hadlay ayaa sheegey in xildhibaano dhan 30 xildhibaan ay is hortaageen dimoqoraadiyadii hey’addii ugu weyneyd ee dowladda, wuxuu intaasi ku daray in xildhibaanadi ay galeen dambiyo ay ka midyihiin in ay jeexjeexeen diiwaankii xaadirinta xildhibaanada iyo in ay guddoonka baarlamaanka ka hor istaageen in uu furmo baarlamaanka.

Wuxuu sida xildhibaanada kale guddoonka baarlamaanka ku eedeeyey hogaan dabacsan.

Dhagayso codadka xildhibaanada

Codka Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow

 

Codka Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil 

Codka Xildhibaan Xayir Maareeye

Goobjoog News