U bood dhigaalka

Dhageysiga Khudbadaha Musharixiinta Aqalka Sare Hirshabeelle Oo Saaka Bilaabmeysa

Sheeko:Amniga

Waxaa maanta magaalada Jowhar ee caasimadda dowlad gobaleedka Hirshabeelle ka bilaabmaya dhageysiga khudbadaha Musharixiinta Aqalka sare ee dowlad gobaleedka Hirshabeelle.

Hoolka weyn ee baarlamaanka dowlad gobaleedka Hirshabeelle ayaa hadda waxaa ka soconaya diyaar garowga loogu guda jiro dhageysiga khudbadaha Musharaxiinta.

Shalay ayaa magaalada lagu soo gaba gabeyay bixinta shahaadada musharaxnimada Aqalka sare, taas oo la shegay in ay jiraan musharixiin liiska ku soo baxday oo aan isdiiwaan gelin.

Guddiga hirgelinta doorashooyinka dowlad gobaleed Hirshabeelle ayaa ku dhawaaqay in Beri oo isniin ah iyo maalinta Arbacada ay dhaceyso doorashada 8-kursi ee dowlad gobaleedka  Hirshabeelle uu ku leeyahay Aqalka sare.

Maamulka Hirshabeelle ayaa ah maamulka Seddaxaad ee si rasmi ah u dhameystiro Xubnahiisa Aqalka sare kadib maamulada Koonfur galbeed iyo Puntland oo iyagu qabtay doorashooyinka Kuraastooda Aqalka Sare.

Goobjoog News