U bood dhigaalka

Dhageyso: Admiral Khaliif Idiris Oo Ka Sheekeynaya Maalmaha Xorriyadda Iyo Halgankii La Galay

Sheeko:Dalka

Admiral Khaliif Idiris Cismaan oo ka mid ah waayo u joogga Soomaaliyeed ayaa isaga oo wareysi siiyey Goobjoog News, wuxuu sharaxaad dheeraad ah ka bixiyey muhiimadda ay leeyihiin maalmaha xorriyadda, sida loo keenay xoriyadda maanta aanu haysanno iyo sidoo kale halgankii dheeraa ee lasoo galay.

Waxa uu sheegay Khaliif in Soomaaliya uu halganka xornimadda ka bilowday 1837, intaasna la waday dedaallo badan oo lagu halgamayey.

Khaliif ayaa sheegay in isaga uu goob joog u ahaa fagaarihii calanka Soomaaaliyeed lagu saarayey, laguna tuurayey kuwii gumeystaha.

Shacabka Soomaaliyeed ayuu u sheegay in waajib ka saaran yahay ilaalinta xorriyadda iyo madaxbannaanida dalka.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News