Dhageyso: Al-shabaab Iyo Dadka Deegaanka Aadan Yabaal Oo Dagaallamay

Dagaal u dhaxeeyey Al-shabaab iyo dadka deegaanka Aadan Yabaal ee gobolka Shabellaha Dhexe ayaa ka dhacay deegaankaasi iyo sidoo kale deegaanno ku dhow.

Wararku waxay sheegayaan in dagaalyahannada Al-shabaab ay weerar ku qaadeen deegaanka Aadan yabaal, balse ay iska caabin kala kulmeen dadkii halkaasi deganaa.

Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkaasi ku geeriyootey Lix qof, Afar ka mid ah waxay ka mid ahaayeen dagaalyahannada Al-shabaab, halka Labada kalena ay ka dhimatey dadka deegaanka.

Ciidamo ka tirsan xoogga dalka ayaa si gurmad ah ugu tagay dadkii shacabka ee la dagaallamayey Al-shabaab, waxaana dagaal xooggan kadib dib loo celiyey Al-shabaab.

Xaaladda waa ay yara qabowdahay, waxayana saraakiisha xoogga dalka sheegayaan in ay garab siinayaan dadka shacabka ah.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW