U bood dhigaalka

Dhageyso: Al-shabaab Oo Lagala Wareegay Deegaanka Deynuunaay, Baay

Sheeko:Amniga

Ciidanka xoogga dalka, kuwa K/galbeed iyo ciidanka Itoobiya ayaa dib ula wareegay deegaanka Deynuunay ee gobolka Baay, halkaasi oo Todobaad kahor qabsadeen Al-shabaab.

Ciidamadan oo aad u badan ayaa howlgal ay sameeyeen waxay dib ula wareegeen deegaankan, waxaana xaaladda deegaankaasi tahay mid deggan.

Ciidamada la wareegay deegaankan ayaa la sheegay iney sameysteen fariisimo dhowr ah, iyadoo ammaanka deegaankana ay sugayaan.

Jeneraal Ibraahim Yarow oo ah taliyaha qeybta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka ayaa u sheegay warbaahinta in Al-shabaab dhexdooda ay dad isaga dileen deegaanka Daynuunay, dibna looga qabsaday deegaankaasi.

Waxa uu sheegay taliyaha in ciidamada aanay ku ekaan doonin oo kaliya deegaanka Deynuunay oo ay aadi doonaan deegaanno kale.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News