Dhageyso: Ambassador Fiqi Oo Sharaxay Jawaabtii Soomaaliya Ee Dacwadda Badda

Dr. Cali Saciid Fiqi oo ah  safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub ayaa sharaxaad dheer wuxuu ka bixiyey jawaabtii shalay ay Soomaaliya ka bixisay dawacadda Badda.

Safiirka oo wareysii siiyey Goobjoog News ayaa waxa uu sheegay in hadda bisha December la sugayo jawaabta dhanka Kenya, kadibna howlaha kale ee dacwadda la guda galayo.

Safiirka ayaa sheegay in Soomaaliya ay rajo aad u weyn qabto maadaama lagu soo xadgudbay xudeeddeeda caalamiga ah ee dhanka badda, islamarkaana la sheegtay dhul ay iyadu leedahay.

Sidoo kale, Safiir Fiqi ayaa sheegay in marar badan Kenya ay dalbatay in wadahadal lagu dhameeyo arrimaha badda, balse taasi aysan ahayn wax caqli gal ah.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW