Dhageyso: Aqoonyahan Caalim “Madaxweynaha Ficil Haku Daro Ballanqaadayada”

Aqoonyahan Maxamed Maxamuud Caalim oo falanqeeya siyaasadda dalka ayaa ka hadlay boqolkii maalin ee madaxweynaha dowladda federaalka Maxamed C/laahi Farmaajo kaas oo dibadbax lagu taageerayo lagu qabtay maalin ka hor magaalada Muqdisho.
Waxa uu sheegay in madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uusan qaban wixii ay umadda ka sugeysay boqolkii maalin.
Caalim ayaa tilmaamay in madaxweynaha uu fuliyay qaar kamid ah ballamihii uu qaaday hase yeeshee weli howshu aysan fara ka qodneyn oo laga doonayo in ballamihiisa uu u bedalo ficil.
Mar uu soo hadal qaaday khudbad dheer oo uu madaxweynaha kula hadlayay dadkii dibadbaxaasi ka qeyb galay ayuu sheegay Caalim in madaxweynaha uusan ka hadlin qodobadii ay dadweynaha ka sugayeen.
Aqoonyahannada, siyaasiyiinta, dadka falanqeeya siyaasadda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa ku kala aragti duwan boqolkii maalin ee madaxweynaha Soomaaliya, iyadoo ay jiraan waxyaabo badan oo dowladda 100-kaasi maalin ku qabatay.
Hoos ka dhageyso wareysiga aqoonyahan Caalim:
Goobjoog News