U bood dhigaalka

Dhageyso: Aqoonyahan Sheegay In Mooshinka Laga Keenay Jawaari Uu Dalka Geliyey Jahwareer Siyaasadeed

Sheeko:Dalka

Aqoonyahan C/laahi Cali Hiirad oo ka mid ah aqoonyahannada Soomaaliyeed ayaa sheegay in mooshinka ay xildhibaannada golaha shacabka qaarkood ka keeneen guddoomiye Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari uu dalka geliyey jahwareer siyaasadeed.

Hiirad, waxa uu tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed ay dowladda Federaalka ka filayeen waxqabad aad u ballaaran, balse ay hadda muuqato in shacabka quus joogaan.

Wuxuu sheegay in xaaladdanka dhex taagan gollaha shacabka iyo xukuumadda ay muujineyso in waxa lagu hardamayo aynaan ahayn danta dalka iyo dadka.

Ugu dambeyn, aqoonyahan Hiirad ayaa ugu baaqay xildhibaannada golaha shacabka iyo xukuumadda federaalka iney eegaan danta dalka iyo dadka, kana fogaadaan wax walbo oo dalka dib u dhigi kara.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News