Dhageyso: Askari Ka Tirsan Ciidanka DFS Oo Haweeney Ku Dilay Deegaanka Ceel-macaan, Sh/dhexe

Askari ka tirsan ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta deegaanka Ceel-macaan ee gobolka Sh/dhexe ku dilay haweeney la sheegay iney ka shaqeynaysa Maqaayad Halkaasi ku taalla.

Naciimo Axmed Cali oo ah eedada gabadhan la dilay ayaa u sheegtay Goobjoog in askarigii wax dilay uu baxsaday, iyadoo dhanka kale shacabka ku dhaqan deegaankaasi ay dibadbaxyo dhigeen.

Sidoo kale, Naciimo ayaa sheegtay in markii uu askarigan wax dilay uu tagay saldhig ku yaalla Ceel-macaan oo uu isaga ka tirsanaa una sheegay ciidankii halkaasi joogay inuu gabar dilay, goobtana isaga dhaqaajiyey iyadoo aan la qaban.

Shacabka ku dhaqan deegaanka Ceel-macaan ayaa dalbaday in degdeg lagu soo qabto gacan ku dhiiglaha lana saaro maxkamad.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW