U bood dhigaalka

DHAGEYSO: Axmed Madoobe “Anigu Shaqsiyan Ma Rumeysni Federaalka”

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa sheegay in shaqsi ahaan aanu kamid ahayn dadka rumeysan Federaalka, balse ay dani keentay in Federaalka la qaato.

Wuxuu sheegay micnaha ka dambeeya Federaalka iney tahay in dadka ay meel meel isugu soo uruuraan kadibna ay isugu yimaadaan Hal meel oo qura.

“Waxaa laga hadlaaa hadda maamullo iyo madaxweynayaal faro badan, anigu shaqsiyan waxaan ahay dadka aan rumeysneen Federaalka, inaan hadda maamullo sameynno ulajeedka aan ka leenahay waxay tahay inaan marka hore meel meel isugu soo uruurno kadibna Hal meel isugu nimaadno” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Dhanka kale Madaxweynaha Jubbaland ayaa mar uu soo hadal qaaday xaaladda uu dalka ku sugan yahay waxa uu sheegay in aysan dhicin caalamka oo intaan ku eegta dal dagaal sokeeye ka dhacay, balse laga yaabo iney tahay tijaabo cusub oo Soomaaliya lagu bilaabay kuna aadan inta la noolaan karo dowlad la’aan.

“Dowlad walbo oo dagaal sokeeye ka dhacay intaan in la eg ma qaadato, caalamka waxaan is leenahay malaha tijaabaan ku jirnaa oo Soomaaliya waxaa la rabaa in lagu tijaabiyo inta dowlad la’aaan la noolaan karo”

Ugu dambeyn, Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo soo hadal qaaday qabyaaladda ayaa sheegay in qurbuhu yahay meesha kaliya ee qabiilka ku haray, balse dadka dalka jooga ay hadda ka gudbeen arrintaasi.

“Wanaag qurbejoog buu ku haray, qabiilkana weli iyaga ayuu ku dambeeyaa, gudaha markii la joogo dadku waa ay kasoo daaleen, balse weli xiiso ayaa idin ku jira, waxaan u nimid halkaan inaan idiin muujinno midnimo, macno badan iima sameyneyo shir london lagu qabtay, Paris lagu qabtay ama Stanbul, balse waxaa macno sameynaya waxa aynu la nimaadno” Axmed Madoobe ayaa sidaasi yiri.

Halkaaan hoose ka dhageyso codka Axmed Madoobe

Goobjoog News