U bood dhigaalka

Dhageyso: Baahi Garsoor Oo Ka Jirta K/galbeed

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha maxkamadda sare ee maamulka K/galbeed Abukaate Axmed Cali Muuse ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog News, wuxuu ku sheegay iney deegaanada maamulkaan qaar ay ka jirto baahi garsoor.

Waxa uu tilmaamay in deegaannada qaar aanu ka talin maamulkaan, dadka ku dhaqanna u baahan yihiin iney helaan garsoor.

Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa sheegay in deegaannada uu ka arrimiyo maamulkaan uu ka shaqeeyo garsoorka, wallow uu tilmaamay iney dhaliilo yimaadaan mararka qaar.

Guddoomiye Axmed ayaa dhanka kale sheegay in mar walbo ay diyaar u yihiin sidi ay shacabka K/galbeed uga haqabtiri lahaayeen dhanka garsoorka.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News