U bood dhigaalka

Dhageyso: Baaq Loo Diray Beelaha Ku Dagaallamaya Sool

Sheeko:Amniga

Wasiirkii hore ee warfaafinta Khaatuma Axmed Maxamed Xasan(Gacma Yare) oo wareysi siiyay Goobjoog News ayaa ka tacsiyadeeyay geerida dadkii ku dhintay dagaal beeleed ka soo cusboonaaday degaanka Dhumay ee gobolka Sool.

Siyaasi Axmed Gacma Yare wuxuu sheegay in nasiib darro ay tahay in iyadoo weli maanka lagu hayo dagaalladii horay u dhacay ee khasaaraha badan dhaliyay in haddana dagaal kale uu yimid.

Wuxuu sheegay in beelaha walaalaha ah eek u dagaallamaya duleedka magaalo madaxda gobolka Sool ee Laascaanood uu jeedinayo in dirirta ay joojiyaan.

Dhanka kale, siyaasiga ayaa ugu baaqay dhinacyada Puntland iyo Somaliland in arrimaha siyaasadda iyo gacmaha ay ka daayaan degaanka iyo beelaha dirirsan dhexdooda, oo nabadda uun loogu yeero lagana qeyb qaato.

HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO:

Goobjoog News