U bood dhigaalka

Dhageyso: Ballanqaad Amni Oo MW Farmaajo Uu Sameeyay Iyo Xaaladda Maanta!

Sheeko:Amniga

Tan iyo markii la doortey Febuary 2017, Madaxweynaha dowladda federaalka mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u sameeyay shacabka ballanqaadyo dhanica ammaanka ah, oo ay kamid ahaayeen inuu ku dhawaaqay xaalado dagaal iyo guluf Xarakada Al-Shabaab dalka oo dhan looga saarayo, kuwaasoo hadda u muuqda inay noqdeen hal-bacaad lagu lisay.

Mareegta Goobjoog News ayaa dib idiin xasuusinaysa qeyb kamid ah khudbad uu madaxweynaha qaranka jeediyay sanadkii hore isagoo xafiiska joogay laba bil iyo maalmo qudha.

Madaxweyne Farmaajo khudbaddani wuxuu ku sameeyay ballanqaad weyn oo ahaa in Alshabaab dalka uu maamulkiisa kaga saarayo laba sano oo kaliya.

Labadii sano ee Madaxweyne Farmaajo qabtay waxaa ka haray oo kaliya wax ka yar lix bil, iyadoo ay kordheen weerarrada Alshabaab oo xataa ay dhacdo mararka qaar in aqalka madaxtooyada iyo aaggiisa ay ku ekeeyaan.

Muqdisho oo ah xarunta dowladda Federaalka ay ku shaqeyso haatan ayaa ah meesha uguu amniga xun xilliga Soomaaliya, waxaana Al-Shabaab wali awoodda inay weeraro culus ka fuliso meel kasta oo kamid ah magaalada, oo aqalka Madaxtooyada kamid tahay.

Hadalkani wuxuu ka jeediyay xarunta wasaaaradda gaashaandhigga Muqdisho 12-04-2017-ka xuskii maalinta ciidanka xoogga dalka.

Hoos Ka Dhageyso:

 

Goobjoog News