U bood dhigaalka

Dhageyso: Barakacayaal Ku Sugan Dayniile Oo Cabanaya

Sheeko:Dalka

Barakacayaal ku sugan degmada Dayniile ee gobolka Banaadir ayaa ka cabanaya xaalad adag oo dhanka nolosha ah, waxaana ay sheegeen iney u baahan yihiin gurmad bini’aadannimo.

Qaar ka mid ah barakacayaashan oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in aanay jirin wax ay haystaan, waxaana ay tilmaameen in wax walbo u baahan yihiin.

Waxay sidoo kale sheegeen barakacayaashan iney kasoo barakaceen colaadaha ka jira qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Shabellaha Hoose.

Dowladda federaalka Soomaaliya iyo sidoo kale hay’adaha samofalka ah ayeey ugu baaqeen in gurmad degdeg ah lasoo gaaraan.

Magaalada Muqdisho waxaa Labdii bil ee ugu dambeysay soo gaaray boqolaal qoys oo kasoo barakacay colaadaha ka jira gobolka Shabellaha Hoose.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News