U bood dhigaalka

Dhageyso: Baydhabo Oo Laga Mamnuucay Dibadbaxyada

Sheeko:Amniga

Taliska ciidanka Booliiska K/galbeed ayaa soo saarey ammar ku aadan in magaalada Baydhabo ee gobolka Baay aan lagu qaban karin dibadbaxyo aanu maamulka war ka hayn.

Korneel Mahad C/raxmaan, taliyaha ciidanka Booliiska K/galbeed ayaa sheegay in loo baahan yahay sidii looga wadaqeybin lahaa sugista ammaanka magaaladaasi.

Waxa uu tilmaamay in cid walbo oo aan u hoggaansamin ammarkooda ay tallaab adag ka qaadi doonaan, wuxuuna shacabka ugu baaqay in ciidanka ay garab ku siiyaan sugista ammaanka.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News