U bood dhigaalka

Dhageyso: C/raxmaan Cabdi Shakuur Oo Sheegay In DFS Ay Shaqo Ka Dhigatay Bartilmaameedsiga Dadka Ka Aragtida Duwan

Sheeko:Dalka

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo ay bartilmaameed ka dhigato dadka ka aragtida duwan.

Shakuur oo qoraal kooban soo dhigay barta uu ku leeyahay Facebook ayuu sheegay hadalkan, isaga oo yiri  “Waxaa wax laga xumaado ah in maamulka Farmaajo shaqo uu ka dhigtay bartilmaameedsiga dadka ka aragtida duwan, gaar ahaan xibisga Wadajir”

C/raxmaan C/shakuur ayaa dhanka kale sheegay in sanad ka hor magaalada Nairobi ay ku qaban jireen isaga iyo madaxweyne Farmaajo olole siyaasadeed oo ka dhan ahaa dowladdii uu hoggaaminayey madaxweyne hore Xasan Sheekh Maxamuud.

“Waxaa xusuun mudan in aniga iyo Farmaajo Sanad kahor aan Nairobi ku qaban jirnay olole siyaasadeed iyo kulamo ka dhan ah maamulkii madaxweyne Xasan Sheekh” ayuu yiri Shakuur.

Dowladda Kenya ayaa hor istaagtay kulan shalay uu siyaasi C/raxmaan C/shakuur kula hadli lahaa jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News