U bood dhigaalka

Dhageyso: Caafimaadka Iyo Ramadaanka Oo Aan Ku Soo Qaadaneyno Qofka Qaba Gaaska Sida Ay Tahay In Uu Ula Dhaqmo Soonka

Sheeko:Caafimaadka

Barnaamijka Caafimaadka iyo Ramadaanka waxaan oga hadleynaa qofka qaba cudurka Gaaska iyo sida ay tahay in uu ula dhaqmo Soonka iyo cuntooyinka u fiican Gaaska uu qaadanayo.

Cudurka Gaaska waa astaan xanuun oo aan la jeclaysan marka uu ku hayo. Gaasku maahan cudur ee waa astaan tilmaamaysa in cudur jiro.

maadooyin dhowr ah ee kala ah  nitrogen, carbon dioxide, oxygen, hydrogen, iyo methane ay isku dhex darsamaan, markaas waxaa samaysma Gaaska Mindhicirada. Haddaba Gaaska mindhicirada  wuxuu inta badan ku jiraa  marinka hab dhiska dheefshiidka  ka bilow caloosha illaa dabada.

Gaasku waa laba qaybood, mid waxa uu ku dhacaa hab dhiska dheefshiiska hoose midna hab dhiska dheefshiidka sare.  Midka sare waa marka aad wax liqdid oo hawo gasho mindhiciradadaa.

Haddaba Barnaamijka Caafimaadka iyo Ramadaanka waxaan maanta kaga hadleynaa qofka qaba Gaaska sida uu ula dhaqmayo Soonka iyo Cuntooyinka uu qaadanayo .

Waxaa Soo jeedinaya Barnaamijka Dr Cabdullahi Cusmaan Naaji

Halkan Hoose ka dhageyso.